Hanad-Wiil soomaali ah oo 142 sano oo xabsi ah loogu xukumay inuu badbaadiyay 31 qof!

0
176

Maxkamad kutaal magaalada Lesbos ee dalka Giriiga ayaa 142 sano oo xabsi ah ku xukuntay wiil soomaali ah oo lagu magacaabo Hanad Abdi Mohammad, kaas oo lagu xukumay in doon uu wade(darawal) ka ahaa ay ku dhinteen 2 qof oo tahriibayaal ah.

Sida uu Qareenka Hanad u sheegay Wargeyska weyn ee Newyokr Times, Hanad ayaa kamid ahaa dad saarnaa doon tahriib oo kasoo baxday dalka Turkiga, una socotay Giriiga. Waxaana doonta ka booday naaquude(Darawal doon) oo Turkish ahaa, kadib markii ay doonta arkeen Ilaalada xeebaha dalka Turkiga.

Hanad oo kamid ah dadka doonta saarnaa ayaa la wareegay waditaanka doonta, wuxuuna doontii kusoo xiray xeebaha dalka Giriiga. Balse nasiib daro intii ay doontu bada kujirtay, uuna waday wiilkan soomaaliga ah, ayaa waxaa doonta ka dhacay oo geeriyooday labo gabdhood, halka uu badbaadiyay oo uu nolol xeebta ku keenay 31 qof.

Booliska Giriiga ayaa xabsiga dhigay wiilkan soomaaliga ah oo lagu eedeeyay inuu ahaa tahriibiye ka danbeeyay dhimashada 2 qof. Waxeyna maxkada Lesbos hada ku xukuntay 142 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbiga lagu eedeeyay ee ahaa tahriibinta iyo dhimashada labada gabdhood ee saarnaa doonta uu isagu wadaha ka ahaa.

Dhanka kale qareenka Hanad ayaa maxkamada ka sheegay in hadii uusan Hanad doontaas wadi laheyn ay geeriyoon lahaayeen dhamaan dadka doonta saarnaa oo uu Hanadna kamid ahaa. Uuna Hanad ku dhiiratay inuu badbaadiyo 31 qof oo doonta saarnaa. Arrin kale oo qareenada Hanad ay maxkamada ka cadeeyeen ayaa ah in Hanad uusan wax lacag ah ku qaadan waditaanka doontaas, sidaas darteed aan loo xukumi karin danbi la xiriira tahriibin, maadaama uu naftiisa badbaadinayay. Balse maxkamada ayaan dhageysan dooda qareenada wiilkan soomaaliga ah.

Dhanka Maxkamada ayaa xukun ku riday labo nin oo u kala dhashay dalka Afgaanistaan, kuwaas oo lagu eedeeyay danbi lamid ah kan Hanad oo kale. Waxaana midkiiba lagu xukumay mid konton(50) sano oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: 142 års fengsel etter å ha reddet i land 31 båtmigranter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments