Ap oo soo dhaweeyay in xero qoxooti ah laga furo qaarada Afrika: Wadadii Denmark.

0
230
Afhayeenka arrimaha soo galootiga ee Ap:Masud Gharahkhani

Dowlada Denmark ayaa bishii hore meelmarisay sharci sheegaya in xero qoxooti laga furo dal kuyaal qaarada Afrika, kadibna lagu xareeyo dadka magangalyo doonka ah ee dowlada Denmark soo weydiista magangalyada( Halkan kasii akhri). Arrintan ayaa canbaareyn xoogan kala kulantay hey´addaha qoxootiga iyo kuwa xuquuqul insaanka.

Xisbiga shaqaalaha dalkan Norway ee Ap oo xigto siyaasadeed yihiin xisbiga Socialdemokratiet ee ay hogaamiso reysulwasaaraha Denmark, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, ayba qiimeynayaan in talaabo noocaas oo kale ah ay qaado dowlada Norway.

Masud Gharahkhani oo ah afhayeenka arrimaha soo galootiga ee xisbiga Ap ayaa sheegay in xisbigooda uu soo dhaweynayo in xero qoxooti oo lagu xareeyo magangalyo doonka sharciyada weydiisto Yurub laga furo qaarada Afrika, si dadka raba inay Yurub usoo tahriibaan looga badbaadiyo safarka dhibta badan ee baddaha ah.

Masud ayaa sii raaciyay in iyada oo arrintaas la fulinayo ay muhiim tahay in la ilaaiyo sharciyada caalamiga ah iyo kuwa xuquuqul insaanka. Wuxuuna sheegay in arragtida xisbigiisa Ap ee arrintan ay ka yara duwantahay arragtida dowlada Denmark ee kiiskan.

Ap ayaa noqonayo xisbigii labaad(2) ee arrintaas soo dhaweeyo xerada qoxootiga ee dowlada Denmark ay ka fureyso Afrika. Waxaa arrintan horey usoo dhaweeyay xisbiga Frp ee dalkan Norway. Halkan kasii akhri

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mælend ayaa horey u diiday inay aqbasho casuumaad ay Denmark u fidisay dowlada Norway, si ay qeyb uga noqoto mashruuca xerada qoxootiga ee Afrika laga furayo.

Xigasho/kilde: Arbeiderpartiet vil sende asylsøkere til Afrika.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments