Caruur ay macalin u tahay ay miiska u garaacday: Dacwad-danbiyeed ayaa lagu soo oogay

0
162
Foto: Regjeringen.no

Macalimad kontomeeyo (50) jir ah oo dhigta mid kamid iskuulada caruurta ee kuyaal gobolada Vestlandet ee Norway, ayaa lagu eedeeyay inay cago-jugleyn u geysatay caruurta ay macalinka u aheyd.

Sida lagu sheegay dacwada xeer ilaalinta, macalimadan ayaa iyada oo xanaaqsan ku qeylisay caruurta ay macalimada u aheyd. Waxeyna garaacday miiska ay ardeydu ku fadhiyeen, iyada oo sidoo kale laad(haraati) ku dhufata boorsooyinkooda.

Macalimada oo lagu eedeeyay inay cunfi iyo cago jugleyn u geysatay caruurta ay macalinka u aheyd, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay si ay ardeyda ugu muujiso xanaaqeeda damisay nalka fasalka.

Qaar kamid ah caruurta ay macalimada u aheyd ayaa arrintan sii gudbiyay, iyaga oo sheegay inay argagax iyo cabsi ay ka qaadeen ficilada macalimada.

BARNESKOLELÆRER TILTALT FOR VOLD MOT ELEVENE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments