lørdag, april 27, 2024

Dadka talaalka qaatay ama uu Corona horey ugu dhacay oo laga dhaafi doono shardiga karantiilka hotellka

Dowlada Norway ayaa badaleyso sharciga karantiilka ee soo galootigaanka Norway. Waxaana laga bilaabo maanta oo khamiis ah, qofka qaatay talaalka Corona ama lixdii bilood ee ugu danbeeyay uu ku dhacay Coronavirus laga dhaafi doonaa shardiga karantiilka hotellka.

Dadka laga dhaafay karantiilka hoteelka ayaa sida uu sheegay wasiirka caafimaadku ah, dadka qaatay talaalka buuxa ee Corona( Labada irbadoodba), dadka qaatay hal irbad oo talaalka Corona ah 3 ilaa 15-kii isbuuc ee ugu danbeeyay. Iyo dadka uu feyruska Corona ku dhacay lixdii bilood ee ugu danbeeyay.

Wasiirka caafimaadka, Bent Høie ayaa sheegay in si qofka looga dhaafo karantiilka hotellka uu ku qasbanaan doono inuu ilaalada xuduudaha iyo booliska uu tusiyo xogta caafimaadkiisa, oo laga heli karo barta internetka ee helseNorge.no

Wasiirka caafimaadka ayaa dhanka kale sheegay in 11-ka bishan Juun uu soo bixi doono kaarka aqoonsiga Corona oo qofka ka saacidi karo inuu galo meelo kala duwna.

Halkan ka daawo shirka shirka jaraa´id ee wasiirka oo Af soomaali ku turjuman.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x