Sida uu qoray wargeyska Nordlys oo soo xiganayo booliska magaalada Tromsø, caruur banaanka ku ciyaareysay ayaa heshay lacag bac kujirto oo gaareyso 40.000 ilaa 50.000 kr oo cadaan ah(kaash ah). Booliska ayaa sheegay inay lasoo xiriireen waalidka dhalay caruurta lacagta helay oo sheegay in ilmahoodu ay heleen lacag badan oo bac kujirto.
Booliska ayaa diiday inay faah-faahin dheeri ah ka bixiyaan tirada saxda ah ee lacagtan iyo cida iska leh, waxeyna sheegeen inay wadaan baaritaan arrintaas la xiriiro. Si hordhac ah waxey sheegeen in lacagtu ay u dhaxeyso 40.000 ilaa 50.000 oo lacagta Norway ah.
Xigasho/kilde: BARN FANT STORE SUMMER MED PENGER PÅ TROMSØYA.