Muxuu salka ku hayaa buuqa NRK ee barnaamijkii maalinta Ciida

0
126
Foto: NRK-TV/Festen etter fasten

TV-ga qarankan Norway ee NRK, ayaa maalintii ciida aheyd soo daayay barnaamij ku saabsan xaflada maalinta ciidul-Fidriga, wuxuuna ku casuumay dad muslimiin oo TV-ga u shaqeeya, kuwaas oo ka hadlayay qaabka ay muslimiintu u ciidaan maalinta ciida, ayna u sameeyaan dabaal-degyada kala duwan.

13-ka bisha May oo ah maalinta ay kusoo aaday ciida sanadkan, ayaa sidoo kale ah maalin ay dadka masiixiyiinta ah u dabaal-degaan maalinta sida la sheego uu Nabi Ciise N.N.K.A loo dheelmiyay cirka sarre. Waana maalin fasax oo shaqooyinka dowlada iyo iskuulada fasax laga yahay Norway.

Xildhibaan -AP: Aaway ciideenii:

Else-May Norderhus oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, ayaa bogeeda Facebooga kusoo qortay qoraal ay ku eedeyneyso TV-ga qaranka Norway ee NRK inay ilaaween maalintii masiixiyiinta, ayna xooga saareen maalinta ciida ee muslimiinta. Waxaana arrintaas ka dhashay dood iyo hadalheyn badan oo baraha bulshada iyo warbaahinta ah.

Xildhibaanada oo la weydiiyay waxa ay arrintaas uga jeedo, ayaa sheegtay in Norway ay ka jiraan diimo kala duwan, laakiin ay dadka Norwiijiga ah kusoo koreen hal diin oo ah dan masiixiyada. Waxeyna sheegtay inay ka falcelisay in NRK uu waqti badan galiyay ka hadlista maalinta ciida ee muslimiinta, ayna ilaaween maalintii weyneyd ee 13-ka may.

Xigasho/kilde: Kritiserer NRK for manglende dekning av Kristi himmelfartsdag på muslimsk festdag

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments