Afar qof oo loo xiray kiis la xiriira dadka Yahuudda

0
133

Booliiska magaalada London ayaa xiray afar qof kadib markii baraha ay bulshada lagu wadaagay muuqaal muujinaya dadkan oo ay baabuur ay ku dhex wateen xaafad ay ku badan yihiin dadka Yuhuudi ahi kuna qaylinaya, sida booliisku sheegay, hadallo Yuhuud nacayb ah.

Wadada Finchley Road oo ku taalla waqooyiga London kana mid ah degmooyinka ay dadka Yuhuudu ku badan yihiin ayaa muuqaalkan oo uu qof daaqadiisa ka duubay waxa laga arkayaa baabuur badan oo ay ka lushaan calanka Yuhuudu iyada oo dadka gaadiidkaas saarnaana ay ku dhawaaqayeen hadallo hanjabaado ah.

Arrintan ayaa kusoo aaday iyada oo magaalada London iyo qeybo badan oo caasimadaha dalalka Yurub ah ay ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo duqeynta ay ciidamada Israel ka wadaan marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments