Sweden waa inay shaqaale dheeri ah kasoo «amaahataa» dalalka dariska la ah.

0
188
Lena Hallengren: Wasiiradda arrimaha bulshada Sweden

Ururka Gobolada iyo Degmooyinka dalka Sweden ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan SKR ayaa dowlada dalkaas ka codsaday in shaqaale dheeri ah laga soo amaahdo dalalka Norway, Finland Iyo Denmark.

Ururla ayaa sheegay in arrintaas ay xaqiijin karto in shaqaale ku filan loo helo xarumaha daryeelka caafimaadka dalka Sweden, marka la gaaro xiliga fasaxa xagaaga(sommer), markaas oo shaqaalaha rasmig ah ee Sweden ay kujiraan fasaxa shaqada.

Inkasta oo xiligan shaqaale ku filan ay heystaan xarumaha daryeelka, hadana waxaa jirto cabsi ah in arrintaas ay isbadali karto marka la gaaro bilaha xagaaga, ayna fasax qaataan shaqaalaha xarumaha daryeelka,

Wasiiradda daryeelka dalka Sweden Lena Hallengren(Sawirka kore) ayaa sheegtay in dowladu ay heshay codsiga ururka SKR, ayna hada ku wadaan qiimeyn la xiriirta sidii looga jawaabi lahaa. Wasiiradda ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dowladu ay xaqiijiso in shaqaalaha ku filan ay heystaan xarumaha darteelka caafimaadka ee dalka Sweeden.

Xigasho/kilde:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments