TV2: Gabar Soomaali ah oo daacish ku biirtay oo dowlada ka codsatay in Norway lagu soo celiyo.

0
159
Foto:Jim Mone/AP

Muuqaal baahiyaha TV2 ayaa maalmo kahor qoray in dhowr dumar ah oo heysta dhalashada dalkan Norway, oo horey ugu biiray ururka Daacish ay dowlada Norway ka codsadeen in dib loogu soo celiyo dalka Norway.

Xog uu helay TV2 ayaa sidoo kale lagu sheegay in dumarka soo codsaday in Norway lagu soo celiyo, ay kamid tahay gabar soomaali ah oo ka tagtay degmada Bærum ee dalkan Norway, sanadkii 2013 ku biirtay ururka Daacish. Gabadhan ayaa sida uu TV2 qoray ah mid kamid ah labada gabdhood ee walaalaha ah ee laga qoray qisada caanka baxday ee buuga labadii walaalaha ahaa,«To-Søstre».

Gabadhan ayaa ayaa markii ay Norway ka tageysay, waxaa safarka ku weheliyay walaasheed ka weyn, waxeyna markii danbe guursadeen, caruurna u dhaleen dagaalyahano katirsan ururka Daacish. Waxaana sida hada xogta lagu helay, ay gabadhaas xiligaas sugantahay xero qoxooti oo kutaal dalka Siiiriya.

Qareenka gabadhan soomaalida ah, ayaa sheegay in lagu wargaliyay inay ka baxdo dalka Siiriya. Wuxuuna sheegay in ay rabto inay Norway kusoo noqoto, si ay usoo bandhigato kiiskeeda. Walaasheed ka weyn oo markii hore ay Norway iskala safreen, ayaan ku jirin dadka codsaday in Norway lagu soo celiyo.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway, ayaa dhankeeda ka gaabsatay inay xaqiijiso xogta uu soo bandhigay muuqaal baahiyaha TV2. Waxeysa dhanka kale cadeeyeen jiritaanka in dumar ka tagay Norway oo ku biiray Daacish, ay soo codsadeen in gacan laga siiyo sidii Norway loogu soo celin lahaa.

Xigasho/kilde: IS-kvinne fra Bærum vil hjem.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments