Sweden: Maxkamad magdhow u xukmisay hooyo Soomaaliyeed oo ninkeeda uu dayacaad u dhintay»

0
98
Foto: Wikipedia

Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa waaxda caafimaadka gobolka ee xarunteedu tahay magaaladaasi ku amartay inay magdhow siiyaan Kaltuun Cabdi oo ah hooyo Soomaaliyeed oo sida la sheegay «seygeeda lagula kacay takoor, isla markaana uu u geeriyooday dayacaad caafimaad.»

Arrintan oo dhacday sannadkii 2017-kii, waxaa la sheegay in seyga Kaltuun oo u dhashay dalka Suudaan, ay jug madaxa ka gaartay ka dibna loogu wacay ambalaastii geysay cisbitaalka.

Shaqaalihii caafimaadka ee goobta soo gaaray ayaa la sheegay in ay u qaateen in ninkaasi uu is yeelyeelayo oo uusan wax dhib ah qabin, maaddaama marka ay eegeen uusan ka muuqan dhaawac, mana uusan ka soconin dhiig.

Warbixintii uu ka qoray oo ahayd in ninkaasi oo aanan magaciisa helin uu suuxay, isaga oo adeegsaday erayga «suuxdin dhaqan» ayaa la sheegay in ay sababtay in aan uusan helin daryeel gaar ah.

Ninkan ayaa geeriyooday sanndkii 2019-kii.

Kaltuun oo u dacwootay hay’adaha ka hortagga cunsuriyadda, ka dibna hay’addaas waxay dacwad ku furtay waaxda caafimaadka gobolka. Hay’adda ayaa dacwadeeda ku saleysay in ninka oo madow iyo Muslim ahaa lagula kacay takoor.

Bishii March ee sannadkan ayay maxkamadaynta ay bilaabatay, wuxuuna go’aanka magdhowga soo baxay shalay.

Kaltuun ayaa la siiyay 110,000 lacagta Sweden ah, una dhiganta $13,000 oo doollarka Mareykanka ah. «Go’aanka maxkamadda waxay ku saleysay in ninkaas lagula kacay dayacaad iyo takoor,»

Xigasho/kilde_: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments