Sweden oo dadka Norway uga imaanaya ka dhaaftay shardigii baaritaanka Corona.

0
146
Wasiiradda arrimaha bulshada Sweden: Lena Hallengren. Foto: Ninni Andersson/G.O.S

Laga bilaabo maalinta isniinta ah, dadka ka imaanaya dalalka Norway, Denmark, Iceland iyo Finland ee raba inay galaan dalka Sweden ayaan lagu xiri doonin shardiga baaritaanka negativ-ka ah ee Corona. Waxaa sidaas maanta sheegay dowlada dalka Norway.

Qofkii raba inuu galo dalka Sweden, ayaa waxaa horey ugu xirnaa shardi ah inuu wato jawaab baaritaanka oo la qaaday 72-kii saac ee ugu danbeysay, taas oo muujineyso in qofku uusan qabin feyruska corona. Dowlada Sweden ayaa shardigan hada ka dhaaftay dadka ka imaanaya dalalka Nordica ee kor ku xusan.

Sweden ayaa ah dalka uu saameynta ugu badan ku yeeshay feyruska Corona, Waxaana uu xanuunkaas ku dhacay dad gaaraya hal milyan qof oo Swedish, halka ay u geeriyoodeen ilaa 15.000 qof gudaha Sweden.

Inkasta oo Sweden ay dadka Norway ka imaanaya u furtay xuduudkeeda, hadana dowlada Norway ayaa wali ka digeysa in loo baxo safar dibadda ah oo aan daruuri aheyn.

Xigasho/kilde: Sverige dropper testkrav for reisende fra Norden.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments