Solberg oo rabta in «dhileysigu» uu sharci daro sii ahaado.

0
185
Reysulwasaaraha Norway iyo wasiirka shaqada. Sawirka: Arvid Samland/Statsministerens kontor

Reysulwasaaraha dalkan Norway, ahna gudoomiyaha iyo musharaxa xisbiga Høyre, Erna Solberg ayaa maalintii shaley aheyd qabatay shir jaraa´id oo hordhac u ah barnaamijka doorashada xisbigeeda, kahor inta aan la gaarin shirweynaha guud ee xisbigeeda Høyre oo dhamaadka isbuucan dhici doono.

Qodobada kujiro barnaamijka doorashada xisbiga Høyre ee shirweynaha looga doodi doono, ayaa waxaa kamid ah qodob ku saabsan sharciga mamnuucista «dhileysiga» oo Norway laga hirgaliyay sanadkii 2009 laga dhaqan-galiyay Norway.

Sharcigan ayaa dhigaya in mamnuuc ay tahay in qofku uu lacag ku iibsado (ama wax kale oo u dhigma uu ku badasho) galmo uu la sameeyay qof kale. Wuxuuna sharcigu dhigayaa in qofkii lagu qabto isaga oo galmo iibsanaya ama dhileysi lacag ku bixinaya, uu mudan karo ciqaab ganaax ah ama xabsi ilaa 6 bilood ah.

Xubnaha ka qeybgalaya shirweynaha xisbiga Høyre ayaa ka doodi doodi doono in qodobkaas ku saabsan mamnuucista dhileysiga la badalo ama gabagiisaba la laalo(joojiyo), maadaama ay jirto dood ku saabsan in sharcigaas uu sababay in suuqii dhileysiga ee furnaa, uu hada noqday mid qarsoon oo si suuq-madow ah ku socdo. Taas oo keeneyso in dadka howlahaas ka shaqeeya, aysan soo dalban karin caawin hadii ay dhibaato la kulmaan. Maadaama ay ka cabsanayaan dhibaatada ama sumcad darida ay la kulmi karaan.

Reysulwasaare Solberg: Kuma faraxsano, yaan hada yaan la badalin:

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo katirsan xisbiga Høyre ayaa cadeysay mawqifkeeda ku aadan arrintaas, kahor inta uusan furmin shirweynaa xisbigeeda. Waxeyna sheegtay inay kasoo horjeedo in sharcigaas la badalo ama la laafo. Waxeyna raacisay in iyadu shaqsi ahaan aysan taageersaneyn sharcigaas, ayna kasoo horjeeday markii la hirgalinayay, maadaama uu leeyahay saameyn guracan. Balse waxey sheegtay in fariin qaldan ay direyso hadii sharcigaas hada la badalo ama la laalo.

Shirweynaha xisbiga Høyre ayaa si fogaan-arag ah(Digital) u qabsoomi doono 14-ka ilaa 16-ka bishan Mai.

Xigasho/kilde: Erna Solberg vil beholde sexkjøpforbud: – Å snu på dette nå vil være helt feil.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments