Raja: Sababtan darteed, ayaan cabsi weyn uga qabaa ciida.

0
43
Wasiirka dhaqanka Norway: Abid Raja Foto: Regjeringen Foto: Ilja C. Hendel/Kulturdepartementet

Maalinta Khamiista ah ee isbuucan, waxaa la qorsheeyay in Norway ay noqoto maalinta Ciidul-Fidriga ee dhamaadka bisha Ramadaan. Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka Norway, Abid Raja ayaa sheegay inuu cabsi weyn ka qabo in maalinta ciida, uu bulshooyinka muslimiinta ah aad ugu faafo feyruska Covid-19.

Raja oo asal ahaan Paakistaan kasoo jeedo ayaa sheegay in qoysaska ajaaniibta ah ay si qaldan u fasiran karaan xeerarka xayiraada Corona, ayna dhigan karaan xaflado waaweyn oo ay isugu imaadaan dad aad u badan. Taas oo sabab u noqon karto in feyruska Covid-19 uu mar kale ku dhex faafo bulshooyinka ajaaniibta ah.

Wasiirka ayaa sheegay in qoyskiisa isbuucan lagu casuumay dhowr xafladood oo kala duwan, uuna ka cabsi qabo in qoysas badan ay qaraabadooda ka casuumaan guryaha maalinta ciida.

Wasiirka ayaa dhanka kale muslimiinta ka codsaday inay la ciidaan qoyskooda gaarka ah ee guriga kula nool, aysana booqasho ugu tagin qoysas kale. Hadii ka maarmi waayaan inay qoys kale casuumaana, ay ugu yaraan ku dadaalaan inay kala fogaadaan oo ay isku jirsadaan hal mitir ugu yaraan.

Xigasho/kilde: Raja er bekymret for at id-feiringen blir en smittebombe

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments