Gudoomiyaha xisbiga SV: Taageerada Norway waa inay Falastiiniyiinta guryahooda la heysto la jirtaa.

0
129
Audun Lysbakken: Gudoomiyaha SV. Foto: Stortinget (CC BY-NC-ND 2.0)

Labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxay indhaha warbaahinta iyo bulshoweynta caalamka mar kale kusii jeedaan dhulka Falastiin oo duqeyn ba´an ay ka geysanayaan ciidamadda Israel. Waxaana dhanka kale gantaalo gaaray magaalooyin dhowr ah oo Israel katirsan soo riday garabka dagaalama ee ururka Xamaas.

Ilaa hada waxaa inta la xaqiijiyay isku dhacyadan u dhaxeeyo Falastiin iyo Israaiil ku dhintay 40 qof oo badankood ay yihiin shacab reer Falastiin oo kunool marinka Gaza.

Rabshadan cusub ayaa ka bilaabatay kadib markii dowlada Israaiil ay damacday inay si qasab ah guryihii ay waligood ku noolaayeen looga bixiyo qoysas Falastiiniiyin oo kunool deegaanka Sheekh Jaraax oo dhaca dhulka la heysto ee daanta galbeed ee dhulka Falastiin, si loo dajiyo qoysas Yuhuud ah. Waxaa arrintaas kasoo horjeestay qoysaskii lagu amray inay guryahooda ka baxaan, oo taageerayo ka helayo boqolaal shacab ah oo arrintaas ka biyo-diidsanaa.

Lysbakken: Waa nasiib daro in Mareykanku ay taageeraan gumeysiga lagu hayo shacabka Falastiin.

Marka la joogo Norway, xisbiyada siyaasadda ayaa aad ugu aragti kala duwan qadiyada Falastiiniyiinta iyo Israaiil, waxaana jiro xisbiyo si toos ah u taageera qadiyada Israel, halka ay jiraan kuwo dhex-dhexaadnimo muujista, dhinaca kalena ay jiraan kuwo si aan gabasho laheyn u taageera qadiyada shacabka dhulkooda la heysto ee reer Falastiin.

Gudoomiyaha xisbiga SV, Audun Lysbakken ayaa bartiisa Facebooga kusoo qoray qoraal uu taageero ugu muujinayay shacabka Falastiiniyiinta ee guryahooda xooga looga saarayo, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in Mareykanku uu taageerayo nidaamka ku dhisan gumeysiga iyo cadaadinta shacabka reer Falastiin ee dowlada Israaiil ay ku dhaqmeyso. Lysbakke ayaa soo qoray:

Israaiil waxey wali wadaa inay guryahooda ka bixiso Falastiiniiyinta kunool Qudus, arrintaas oo ah si foolxumo ah uga soo horjeedo xuquuqda bini-aadamka. Waa wax laga murugoogoda in Mareykanu uu difaacayo faquuqa iyo cadaadiska uu sameynayo nidaamka gumeystuhu. Taageerada Norway waa inay la jirtaa Falastiiyiinta diiday inay guryahooda ka baxaan.

Marnaba lama difaaci karo, qiilna ma noqon karto gantaalada ay Xamaas ku weerareyso shacabka. Sidoo kale wax qiil ma noqoneyso duqeynta diyaaradaha Israaiil ee Gaza. Mar kale waxa dhibanaha noqonayo waa shacabka iyo caruurta

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide ayaa dhanka shaley sheegtay inay ka cabsi qabto in dagaal toos ah uu ka qarxo Israaiil iyo Falastiin. Waxeyna eedeysay ururka Xamaas oo ay sheegtay inay soo weerareen shacabka Israaiil, iyada oo labada dhinacba ugu baaqday inay xaalada qaboojiyaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments