Dowlada oo fududeysay shuruudaha adkaa ee ajaaniibta raba inay Norway soo galaan.

0
188
Foto: Regjeringen

Dowlada dalkan Norway ayaa wax ka badal ku sameysay shuruudihii adkaa ee lagu xiray dadka ajaaniibta ah ee raba inay Norway soo galaan, tan iyo bishii January ee sanadkan. Markaas oo xaalada faafitaanka feyruska Corona ee Norway uu marayay meel aad u sareyso.

Wasaaradda cadaalada ee Norway ayaa xiligaas sheegtay in si looga hortaggo cudurka ka imanaya dibeddaha iyo faafidda cudurka corona, ay dawladdu soo rogtay xayiraaddo adag oo khuseeya soo gelidda waddanka, taas oo keentay in ajnebi aad u yar soo geli kareen Norway shantii bilood ee lasoo dhaafay. Inkasta oo dowladu ay mamnuucday soo galitaanka ajaaniibta ee Norway, hadana dadka ajnabiga ah ee sharciga qoxootiga ama ogolaanshaha kale, ayaa laga dhaafay xeerkaas adag, waxaana loo ogolaaday inay wadanka soo galaan.

Shuruudihii adkaa oo la qafiifiyay:

Inkasta oo ajaaniibta Norway degan loo ogolaa inay dalka soo galaan, hadana waxaa ku xirnaa sharuud adag oo la xiriirtay inuu qofka cadeeyo degenaanshihiisa Norway. Dowlada ayaa hada isbadal ku sameysay xeerkaas, waxaana ajaaniibta laga fududeeyay qodobada qaarkood.

Waa kuwan qodobbada ugu muhiimsan xeerarka cusub ee hadda shaqayn doona.

Ajnebiga gurigooda rasmiga ah ku yaallo Norway waxa laga dhaafay xayiraadaha soo gelidda waddanka.

  • Waxa shuruud ah in qofku haysto xaq ama oggolaansho joogitaan oo ku salaysan xeerka ajnebiga.
  • Haddii qofku aanu caddayn karin in deganaansho u diiwaangashan tahay, waa in uu caddeeyo in uu Norway hoy ku leeyahay ama ka kiraystay. Faahfaahinta ku saabsan nooca dokumentiyada la oggol yahay, waxa laga helayaa wareegtada G-15/2021.
  • Guri fasaxeed looma aqoonsanayo in uu yahay guri rasmi ah.
  • Haddii qofku kiraystay hoyga, waa in uu soo bandhigo heshiiska kiraysiga guriga oo muujinaya in qofku hoyga haystay markii uu ka dhoofayey Norway, iyo in qofku hoy haysto marka uu waddanka dib u soo gelayo.
  • Caadi ahaan waxa la rabaa in qofku keeno heshiis kiro guri oo jiray xilligii waddanka laga dhoofayey. Haddiise qofku aanu haysan, waa in uu soo bandhigo dokumentiyo dheeri ah oo muujinaya in qofku Norway deggan yahay. Waxa tusaale ahaan la keeni karaa heshiis shaqo ama wax caddaynaya in qofku la siiyay ama uu haysto boos waxbarasho sare ama iskuul.
  • Haddii aanay Diiwaanka Dadweynaha ku jirin in qofku waddanka deggan yahay, waa in qofku muujiyo in uu Norway ku soo laabtay kaddib markii uu safar ku tegay ama si ku meelgaadh ah u soo joogay dibedda. Waxa tusaale ahaan la soo bandhigi karaa tikidka safarka diyaaradda.

Xigasho/kildE: Regjeringen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments