Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo diiday qaadashada talaalka: Sababtan awgeed.

0
115
foto: Stortinget.no

Dowlada Norway ayaa isbuucii lasoo dhaafay soo bandhigtay qorshe cusub oo ku saabsan qeybinta talaalka corona ee bulshada. Dowlada ayaa qorshaheeda cusub kusoo bandhigtay in hor-u-tabin(Horey usoo marin) loo sameynayo siyaasiyiinta iyo shaqaalaha katirsan dowlada dhexe, sida xubnaha baarlamaanka, golaha wasiirada, madaxda hey´addaha FHI, NAV, Hey´adda caafimaadka iyo hey´addaha kale ee muhiimka.

Dowlada ayaa isku dar hor-u-tabin u sameysay ilaa 500 qof oo lagu magacaabay inay shaqo muhiim ah u hayaan qaranka iyo bulshada Norway. Waxaana go´aankan lagu saleeyay in lagu xaqiijinayo socodka shaqada dowlada iyo u adeegista bulshada.

Xildhibaano badan oo diiday:

Dad badan ayaa diiday, kana soo horjeestay go´aanka ay dowladu muhiimadda gaarka ah ugu sameyneyso siyaasiyiinta katirsan dowlada dhexe, waxeyna dowlada ku dhaleeceeyeen inay siyaasiyiinta ka horumarineyso dad badan oo ka mudnaan lahaa sida macalimiinta iskuulada iyo dad kale oo ka mudnaa.

Xildhibaano badan oo kasoo horjeedo go´aanka dowlada ayaa diiday inay qaataan talaalka, waxeyna sheegeen inay sugi doonaan xiligooda, ayna doorbidayaan in laga hormariyo dadka kale ee ka mudan, gaar ahaana macalimiinta.

Gudoomiyaha xisbiga Frp, Sylvi Listhaug, Gudoomiyaha xisbiga Rødt, Bjørnar Moxnes, Gudoomiyaha xisbiga Sp Trygve Slagsvold Vedum iyo kan xisbiga SV Audun Lysbakken ayaa diiday inay qaataan balanta loo soo bandhigay ee talaalka ay ku qaadan kareen, waxeyna sheegeen inay sugi doonaan xiligooda. Iyaga oo muujiyay sida ay uga soo horjeedaan go´aanka dowlada ee siyaasiyiinta iyo shaqaalaha dowlada dhexe muhiimada gaarka ah loogu sameeyay.

Ilaa hada ma cada tirada rasmiga ah ee tirada katirsan xubnaha baarlamaanka Norway ee diiday ama ogolaaday inay qaataan balanta talaalka ee loo soo bandhigay, balse arrintan ayaa maanta iyo shaley aheyd mid kamid ah qodobada loogu hadalka badanyahay warbaahinta iyo baraha bulshada Norway.

Xigasho/kilde: Politikere sier nei til stortings-vaksine.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments