Dowlada: Dadka talaalka dhameystay waa laga dhaafay inay karantiil galaan.

0
149
Wasiirka caafimaadka Norway. Foto: Borgos Foto AS

Wasaarada caafimaadka ayaa maanta soo bandhigtay xeerka cusub oo ku saabsan in dadka dhameysta( qaatay labada irbadood) talaalka Corona, laga qaaday ama fudeeyey sharciyo dhowr ah.

Dadka qaatay labada irbadood ee talaalka feyruska Corona ayaa wixii hada ka danbeeyo aan gali doonin karantiilka la galiyo dadka looga shakin karo inay feyruska Corona qaadeen.

Qofka qaatay labada irbadood ee talaalka, ayaa sidoo kale gurigiisa gudahiisa u dhawaan kara, lana joogi karo qof kale oo talaalka qaatay, iyada oo aysan u dhaxeyn masaafada halka mitir ee waajibka aheyd. Sidoo kale waxey ka ag-dhawaan karaan dadka aan qaadan talaalka, laakiin ka baxsan guruubka feyruska Corona u nuglaan karo ama xanuunada gaarka ah qabo.

Dowlada ayaa dhanka kale sheegtay in marka banaanka la joogo dadka la talaalay iyo kuwa aan talaalka qaadan wali, ay qaban doonaan sharciyo isku mid ah.

Wasiirka caafimaadka, Bent Høie oo hadlay ayaa sheegtay in inkasto oo talaalku uu difaac u yahay qaaditaanka Corona, hadana ay suurtogal tahay in qofka talaalka Corona qaatay uu qaado feyruska. Balse wuxuu sheegay in jaaniska arrintaas ay aad u yartahay ilaa hada baaritaanada la sameeyay.

Xigasho/kilde: Gladnyhet: Fullvaksinerte slipper smittekarantene

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments