Lamaane diiday hotellka Karantiilka oo 40.000 kr lagu ganaaxay

0
83
Foto: PA

Booliska magaalada Bergen ee dalkan Norway ayaa 20.000 kr midkiiba ku ganaaxay(40.000 isku dar) nin iyo xaaskii diiday inay galaan hotellka karantiilka, markii ay kasoo noqdeen safar dibadda ah.

Lamaahan oo lixdameeyo jir ah(60) ayaa bartamaha bishii April kasoo dagay garoonka Flesland ee magaalada Bergen, waxeyna kasoo noqdeen dalka Spain. Safarkooda ay ku tageen dalka Spain ayay boolisku ku qiimeeyeen inuu ahaa mid laga maarmi karay, waxeyna ku amreen inay 10 maalmood isku xiraan hotellka Karantiilka, kahor inta aysan gurigooda aadin.

Ninkan iyo xaaskiisa ayaa diiday inay u hogaansamaan amarka booliska ee ku saabsanaa degitaanka hotellka Karantiilka. Waxaana hada midkiiba lagu ganaaxay inuu bixiyo 20.000 kr oo ganaax ah, kadib markii lagu eedeeyay inay jabiyeen xeerarka xakameynta feyruska Corona.

Booliska magaalada Førde ee dalkan Norway ayaa dhinaca kale ganaaxay nin labaatameeyo(20) jir ah oo lagu eedeeyay inuu kasoo baxay karantiilka, kadib markii laga helay feyruska Corona.

Xigasho/kilde: FÅR 20.000 I BOT ETTER BRUDD PÅ SMITTEVERNREGLER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments