Degmada Oslo: Waayeelka soomaalida ah ee talaalka corona qaatay, aad bey u koobanyihiin.

0
166
Foto: JOHN MANIACI / X80001

Sida lagu sheegay tirokoob uu daabacay wargeyska Aftenposten, lagana soo xigtay maamulka degmada Oslo, waxaa talaalka Coronavirus qaatay 33% dadka soomaaliyeed ee magaalada Oslo kunool, da´dooduna ay ka weyntahay 75 sano. Tiradaas oo aad u hooseyso, marka la barbardhigo tirada dadka Norwiijiga ah ee magaalada Oslo kunool, oo ay talaalka ka qaateen 95%.

Tirokoobka uu Oslo Kommune soo bandhigay ayaa ka dhigan in talaalka Covid-19 ay qaateen sadex meelood oo meel(1/3) ay ka qaateen talaalka.

Soo bandhigista tirokoobkan ayaa kusoo aaday xili degmada Oslo ay kasii gudbeyso talaalista dadka waayeelka ah ee loo hormariyay safka qaadashada talaalka, maadaama ay yihiin dadka ugu nugul ee saameynta xoogan uu ku yeelan karo feyruska Corona. Waxaana hada loo sii gudbayaa talaalista dadka da´ahaan ka yar 60 sano iyo wixii ka hooseeyo

Sababo dhowr ah:

Dad soomaali ah oo wargeyska Aftenposten la hadlay ayaa sheegay in talaal qaadasho la´aanta waayeelka soomaalida ah, ay sababo u noqon karto dhowr waxyaabood oo kala duwan ama isbiirsaday:

  • In shaqaalaha caafimaadka degmooyinka magaalada Oslo ay ka koobantahay aysan helin xiriirka saxda ah ee dadka waayeelka ah soomaalida ah. Aysana ku guuleysan inay u gudbiyaan fariinta iyo balanta qaadashada talaalka.
  • in waayeel badan oo soomaali ah oo ka diiwaangashan inay Oslo deganyihiin, ay wadanka ka guureen ama dibadda ku maqanyihiin.
  • iyo inay jiri karto shaki iyo cabsi laga qaaday feyruska Corona, kadib markii ay soo baxday dhibaatooyin la xiriira talaalka Astra Zeneca.

Marka laga tago soomaalida tirokoob kale oo ay sameysay hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, ayaa lagu sheegay in arrintan ay sidoo kale khuseyso qawmiyadaha kale ee ajaaniibta ah.

Maamulka degmada Oslo ayaa sheegtay inay wel-wel ah aad uga qabto talaal qaadasho la´aanta waayeelka bulshada ajaaniibta ah ee magaalada Oslo kunool, gaar ahaan kuwo uu ku badanyahay kiisaska la xiriirka feyruska Corona.

Xigasho/kilde: De verst rammede har fått vaksinert færrest.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments