Siv Jensen oo qiratay inay sharciga Corona jabisay: Ma ogeyn in sidaas sharcigu ahaa.

0
87
Siv Jensen: Wasiirkii hore ee maaliyada Norway. Foto: Kenneth Hætta/Finansdepartemente

Wasiiraddii hore ee Maaliyada Norway, aheydna gudoomiyihii hore ee xisbiga Frp ee dhawaan xilka ka dagtay, Siv Jensen ayaa qiratay inay jabisay sharciga xakameynta corona, mar ay iyada iyo xubnaha qoyskeedu u dabaal dagayeen maalinta xoriyada Norway ee 17-ka May.

Siv oo TV2 la hadashay ayaa sheegtay in iyaga oo ka kooban 12 qof ay ku kulmeen guriga hooyadeed, si ay ugu dabaaldagaan maalinta xoriyada ee 17-ka May. Shan qof oo kamid ah dadka ku sugnaa gurigam ayaa qaatay talaalka corona, sida ay TV2 u sheegtay Siv Jensen.

Sharciga magaalada Oslo ayaa dhigaya in wax ka badan 10 qof aysan isugu imaan karin hal guri. Waxaana qofkii sharcigaas jabiya uu muteysan karaa ganaax lacageed.

Gudoomiyihii hore ee xisbiga Frp ayaa sheegtay inaan loo sheegin in sharciga dhawaan kasoo baxay FHI ee dadka talaalka qaatay looga fududeeyay shuruudaha qaarkood, uusan wali ka shaqeyn magaalada Oslo.

Booliska: Waan qiimeyn doonaa inaan kiis ku furno.

Booliska magaalada Oslo ayaa dhankooda sheegay inay warbaahinta ka arkeen arinta ku saabsan qirashada Siv Jensen ee jabinta sharciga Corona, ayna qiimeyn doonaan inay ku furaan kiis dacwad ah.

Siv oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, ayaa sheegtay inay raaligalin ka bixineyso qaladka ay sameysay, ayna diyaar u tahay inay bixiso hadii lagu xukumo lacag ganaax ah.

Siv Jensen ayaa noqoneyso masuulkii labaad ee xil sarre ka hayo dowlada oo lagu qabto jabinta sharciga corona. Reysulwasaaraha dalkan Norway ayaa isbuucyo kahor lagu ganaaxay 20.000 kr, kadib markii ay qiratay inay jabisay sharciga xakameynta Corona. Halkan kasii akhri.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments