Wasaaradda arrimaha dibadda: Telefoono been ah ayaa dad laga wacay: Iska ilaaliya, waa burcad

0
168
Foto: Digi-NN

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa soo badanayay dad sheegay in laga soo wacay numberka wasaaradda arrimaha dibadda Norway ee ah 23 95 00 00. Dadka telefoonada loo diray ayaa lagu wargaliyay inay lacag kusoo diraan koontooyin loo sheegay, iyada oo lagu wargalinayo inay dhibaato ka timid sharcigooda dal ku jooga Norway(Oppholdtillatelse).

Wasaaradda arrimaha dibadda oo war saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in telefoonadaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo loo ekeysiiyay numberaka wasaaradda arrimaha dibadda Norway, waxeyna dadka uga digtay inay qabtaan teloofanada ama ay lacag ku diraan koontooyinka la siiyo. Wasaaradda ayaa sheegtay in arrintaas ay ka danbeeyaan kooxo burcad ah oo telefoonada ka qaraabto.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qof kasta oo lasoo wacay ku boorineyso inuu la xiriiro booliska iyo shirkada SIM-cardka uu adeegsado iska leh, uuna ku wargaliyo arrintaas. Iyada o dhanka kale ay wasaaraddu sheegtay in baaritaan lagu wado arrintaas iyo cida ka danbeyso.

Xigasho/kilde: Falske telefoner fra UDs nummer – ber mottakere om penger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments