Oslo: Sagaal sano kadib markii uu dhintay, ayaa meydkiisa laga helay gurigii uu ku noolaa.

0
236

Booliska magaalada Oslo ayaa dhamaadka sanadkii hore ee 2020 guri kuyaal magaalada Oso ka helay meydka nin lixdameeyo(60) jir ahaa, kaas oo ay baaritaan kadib boolisku sheegeen inuu geeriyooday bishii April ee sanadkii 2011. Wuxuuna meydka ninka dhintay gurigiisa dhex yaalay sagaal sano iyo dheeraad.

Meydka ninka waxaa booliska kusoo wargaliyay shaqaalaha guriga uu degenaa uu rabay inay dayactir ku sameeyaan qeybo katirsan gurigaas.

Waxyaabaha ay boolisku ku xaqiijiyeen in ninka uu geeriyooday taariikhda dhicitaanka kartoon caano ah oo uu soo qatay maalmo kahor inta uusan geeriyoon. Iyaga oo raaciyay in baaritaanka qolfoofta meydka ay muujineyso in meydkaas uu mudo aad u dheer yaalay meesha uu ku geeriyooday.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ninkan uu ahaa qof ku dhashay dalka dibadiisa, laakiin Norwiiji ahaa. Waxeyna sheegeen inuu ahaa aabe dhowr caruur ah dhalay, horeyna usoo maray guurar dhowr ah, kahor inta uusan iibsan guriga meydkiisa laga dhex helay oo kaligiis ku noolaa.

Waxyaabaha la yaabka leh ee boolisku ay kasoo wariyeen dhacdadan, ayaa waxaa kamid ah in hey´adda NAV ay joojisay lacagtii howlgabka aheyd ee ninkan la siin-jiray, kadib markuu uu imaan waayay xafiiska NAV, si uu u saxiixo waraaqo looga baahnaa saxiixooda.

Arrinta kale ee la yaabka leh ayaa ah in ninkan aan la tabin, aysana jirin cid booliska kusoo wargalisay maqnaanshihiisa mudadaas sagaalka sano ah ee meydkiisu uu guriga dhex yaalay.

Booliska Oslo ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid naadir ah, oo u baahan in waqti badan la galiyo si jawaabo rasmi ah looga helo kiiskan.

Xigasho/kilde: DØD MANN FUNNET I LEILIGHET – HADDE LIGGET DØD I NI ÅR.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments