Oslo: Qofkii 2-aad ee leysinka isla meesha looga qaado: Sababta hadana ma aragtaa?

0
142
Sawirka: VG-tipser

Booliska magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada Grorud ayaa isbuucii hore ka warhelay nin dhalinyaro ah oo baabuurka uu watay korkiisa kusoo xirtay birta la suro calanka. Booliska oo fariintaas ku howlgalay ayaa jidka E18 ku istaajiyay baabuurka uu ninkaas watay, waxeyna ka leexiyeen wadada.

Birta calanka ee ninkan baabuurka u saarneyd ayaa dherer ahaan gaareysa 14 mitir.

Booliska ayaa isla goobtaas leysinka ogolaanshaha baabuur wadista uga qaaday ninka baabuurkaas watay oo lagu eedeeyay inuu halis galiyay gaadiidka iyo dadka kale ee wadada dhexdeeda iyo hareeraheeda marayay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili labo isbuuc kahor magaalada Drammen ay boolisku qabteen, leysinkana isla meesha uga qaadeen nin sidaas oo kale baabuurkiisa kusoo xirtay birta calanka. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Kjørte med flaggstang på biltaket – mistet førerkortet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments