Sirdoonka Norway: Waxaan ilaalo joogto ah ka qaban doonaa garoomada diyaaradaha Norway

0
84

Hey´adda sirdoonka iyo nabadsugida dalkan Norway ee PST-da, ayaa sheegtay inay aas-aasi doonto laan cusub oo ciidanka hey´addaas katirsan, kuwaas oo ilaalo joogto ah oo habeen iyo maalinba ah ka qaban doono garoomada diyaaradaha Norway. Waxeyna uruurin doonaan, kadibna keydiin doonaan macluumaadka qof walba oo Norway diyaarad kusoo galo ama kaga baxa.

Sida uu qoray NRK, waxaa aas-aaska laanta cusub ee u xilsaaran ilaalinta garoomada Norway sirdoonka kala shaqeyn doono hey´addaha kale ee amniga Norway, sida booliska iyo ilaalida xuduudaha. Dowlada ayaa xiligan ka shaqeyneyso in la meelmariyo sharcigii hey´adda sirdoonka u sahli lahaa inay shaqo noocaas ah qabtaan.

Shaqada loo xilsaari doono ciidanka cusub oo ay hey´adda sirdoonka sameyn doonto, ayaa sida uu NRK qoray noqon doonto inay keydiyaan, qiimeeyaana macluumaadka dadka safaradda diyaaradaha ah kusoo gala ama kaga baxa Norway. Waxeyna wada-shaqeyn is-dhaafsiga macluumaadka ah la yeelan doonaan hey´addaha kale ee amniga ee dalalka Norway, iyo hey´adda booliska Yurub ee Europol.

Ujeedka ay sirdoonka Norway arrintan ay u sameyn doonaan, ayay ku sheegeen inay tahay kahor tagista falalka argagaxiso iyo kuwa kale ee amni-daro, sidoo kalena tahriibinta daroogada.

Qorshaha dowlada ayaa ah in hey´adaas ay shaqo bilowdo bartahamah sanadka soo socdo ee 2022.

Gudi katirsan baarlamaanka Norway, ayaa horey sirdoonka Norway ugu eedeeyay inay si sharci daro ah u keydiyeen macluumaad dadka ka dhoofayay ama kasoo galay garoomada dowlada Norway. Dowlada oo eedeyntaas hore ka duuleyso, ayaa hada rabto in hey´adda sirdoonka loo sharciyeeyo keydinta xogta dadka ka dhoofo ama kasoo gala garoomada Norway.

Xigasho/kilde: Slik vil PST overvake flypassasjerar 24 timar i døgnet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments