Fanaanad dhalinyaro soomaali ah oo ku guueleystay labo biladood iyo 250.000 kr

0
211
Ugbaad Mustafa(Musti). Foto:Musikkforleggerprisen

Fanaanada Ugbaad Mustafa Yuusuf oo ku caan ah magac-faneedka Musti ayaa xalay ku guuleysatay labo kamid ah biladaha ugu qaalisan ee lagu abaalmariyo fanaaniinta kasoo muuqdo masraxa fanka ee dalkan Norway. Waxeyna Ugbaad ku guuleystay bilada fanaanka cusub ee sanadkan is muujiyay( Årets Gjennombrudd) iyo fanaanka heesaha hip-hopka.

Ugbaad oo 19 sano jir ah, ayaa sidoo kale la gudoonsiiyay 250.000 kr oo abaalmarin ah, maadaama ay ku guuleysatay bilada fanaanka cusub ee sanadka.

Musti(Ugbaad) ayaa kamid ah fanaaniinta hibo-faneedka weyn leh ee sanadihii ugu danbeeyay kasoo muuqday masraxyada fanka ee Norway. Waxeyna inta badan heesahoodu oo iyadu ay alifato, ay ka hadlaan qaab koritaankeedii xaafada Tøyen ee magaalada Oslo, oo kamid ah xaafada isku raranka ah ee magaalada Oslo. Heesahaas oo dad badan soo jiitay ayaa noqday qaab ay dadka aan Tøyen/Oslo ku korin ay ku fahmaan nolosha adag ee ay ku koraan dhalinyarada xaafadaas ama magaalada kunool.

Ugbaad oo wareysi siisay wargeyska weyn ee Aftenposten ayaa sheegtay in lacagta abaalmarinta ah oo ay heshay ay ku horumarin doonto fankeeda, sidoo kale ay guri ay familkeedu fasaxa ku qaataan uga dhisi doonto caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxeyna wareysigeeda ku sheegtay in hooyadeed ay tahay qofka ay ka hesho dhiirigalinta ugu weyn, iyada oo raacisay in iyadu ay rabto inay tusaale u noqoto gabdhaha kale ee qowmiyadaha laga tiro badanyahay Norway ee raba inay riyooyinkooda nolosha ka dhabeeyaan.

Xigasho/kilde: Rapperen Musti (19) vant fredag to Spellemannspriser og et stipend på 250.000 kroner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments