Kansar ayay qabeen- Corona ayaa ku dhacay-Kansarkii ayay ka caafimaadeen

0
100
Foto: Handout / AFP

Cilmibaarayaasha caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa arrin aad loola fajaco ku tilmaamay in nin 61-sano jir ah oo qabay nooc kansar ah, uu ka caafimaaday kansarkii uu la xanuunsanaa, kadib markii uu qaaday feyruska corona.

Cilmibaarayaasha ayaa aaminsan in unugyada difaaca ee jirku uu kula dagaalamayay feyruska xooga badan ee Corona, ay sidoo kale direen unugyadii jirka ee kansarka xanbaarsanaa.

Ninkan oo 61 sano jir ayaa la ildarnaa nooc kansar ah, waxaana isaga oo ay ku socoto daaweyn ku dhacay feyruska Corona. Markiiba waxaa la geeyay isbitaalka, waxeyna neeftu kusoo noqotay kadib markii uu isbitaalka yaalay 11 maalmood oo xiriir ah, mashiinka neeftana uu ku xirnaa.

Markii uu ka caafimaaday Corona, ayuu dhakhtarkiisu damcay inuu baaritaan ku sameeyo xaalada kansarkii hayay iyo meesha uu marayo, wuxuuna dhakhtarku sheegay inuu la kulmay wax uu la yaabay oo ahaa in inta badan unugyadii kansarka ee jirkiisa ay dilmeen mudadii uu isbitaalka la jiifay feyruska Corona.

Isla kiis sidan oo kale waxaa lagu arkay dadka Talyaaniga, kadib markii 21-sano jir talyaani uu ka caafimaaday kansar hayay, kadib markii uu qaaday feyruska Corona.

Cilmibaarayaasha ayaa aaminsan in unugyada adag ee jirku uu isaka difaacayay feyruska Corona ee xooga badan, ay sidoo kale dileen unugyadii xanbaarsana kansarka. Balse cilmibaarayaasha ayaa sheegay in arrintan aysan wali aheyn wax la baaray ama la ogaaday inay ku dhaceen dad kale oo badan, sidaas darteed aan cilmibaaris ahaan loo faafin karin.

Cilmibaarayaasha ayaa dhanka kale dadka kansarka qaba uga digaya inay si kas ah isku qaadsiiyaan feyruska Corona, iyaga oo rajeynayo inuu ka dilo unugyada kansarka. Waxeyna in qofka kansar qabo uu kujiro dadka ugu nugul ee u dhiman kara feyruska Corona.

Xigasho/kilde: Kreftpasienter ble friske etter å ha utviklet Covid-19

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments