Dowlada oo sharciyada u cusbooneysiisay shaqaalaha ajaaniibta ah.

0
186
Wasiiradda beeraha Norway; Olaug Vervik Bollestad. Foto: Torbjørn Tandberg

Wasiiradda beeraha iyo cuntada Norway Olaug Bollesta ayaa maanta sheegtay in dowladu ay sharciga dal ku jooga u dheereysay shaqaalaha ajaaniibta ah ee xiligan ku sugan Norway. Talaabadan ayaa kusoo aadeyso xili shaqaale yaraan xoogan ay kajirto suuqa beeraha Norway, maadaama ay dowladu horey u mamnuucday in shaqaalaha ajaaniibta ah aysan Norway soo gali karin, sababo la xiriira xakameynta Corona.

Xiligan oo uu bilow yahay xagaaga ama waqtiga kuleylaha, waxaa la gaaray xiliga ay soo go´aan dalagyada beeraha Norway. Waxaana caado ah in beeraleyda iyo shirkadaha ka shaqeeyo beeritaanka, ay dibadda ka keensadaan shaqaale ajaaniib ah oo u gura ama uga shaqeeya dalagyada beeraha.

Maadaama ay dowladu mamnuucday in shaqaale ajaaniib ah, ay soo galaan Norway, dowlada ayaa hada go´aansaday in sharciyada shaqada loo cusbooneysiiyo shaqaalaha ajaaniibta ah ee xiligan Norway ku sugan.

Wasiiradda beeraha ayaa sheegtay in dowladu ay qaban doonto wixii awoodeeda ah ee la xiriirta xalinta dhibaatada shaqaalo la´aanta ee heysata beeraleyda iyo shirkada wax soo saarka beeraha ee Norway.

Xigasho/kilde: UTENLANDSKE ARBEIDERE FÅR FORLENGET OPPHOLDSTILLATELSE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments