Dowlada oo rabta in la mamnuuco mushaarka cadaan ahaan(kaash) loo bixiyo.

0
101
Foto: W.P

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Norway, Torbjørn Røe Isaksen ayaa sheegay in dowladu ay soo jeedin doonto hindise sharciyeed mamnuuc ka dhigaya in qofka shaqo bixiye ah uu mushaarka qofka shaqaalaha uu gacanta ka siiyo ama kaash(cadaan) ahaan u bixiyo.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan shirkado iyo shaqo bixiyeyaal heshiis afka ah la galo shaqaalaha qaarkood, si ay mushaarka uga siiyaan gacanta. Wuxuuna sheegay in shaqo bixiyeyaalkaas aysan canshuur ka dhiibin canshuurta ay qofka shaqaalaha siiyaan, balse taas badalkeeda uu qofku ugu shaqeeyo mushaar ka yar kan suuqa caadiga ah. Wuxuuna sheegay in dhanka kale qofka shaqaalaha ee qaabkaas loo dhaqmo uu yahay qof nuful oo aan wax xuquuq ah laheyn, laga faa´iideysan karo.

Dowlada ayaa rabta in la sameeyo sharci ciqaab xabsi ah uu ku mudan karo qofkii arrimahaas lagu qabto.

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mælend ayaa dhankeeda soo jeedisay in dowladu ay rabto in la sameeyo heyádd daba-gasha, isla markaana leysin shaqo siiso shirkadaha ka shaqeeyo baraanjiyada(suuqyada) ay ku badanyihiin suuq-madowga. Si gaar ah waxey wasiiraddu u sheegtay suuqa baabuur dhaqista, kan dhismaha, garaashyada iyo goobaha taayarada lagu badalo.

Hadalka labadan wasiir ayaa yimid, kadib markii wargeyska Dagbladet uu dabagal dheer ku sameeyay shirkado si qaldan uga faa´iideysta shaqaalaha aan awooda laheyn, iyaga oo la gala heshiis afka, kadibna kula heshiiya inay mushaarka gacanta ka siiyaan. Waxaana mararka qaarkood dhacda in mushaarka ay u diidaan ama kala daahaan. Qofka shaqaalaha ah ee xaaladaas la kulma, ayaan helin xuquuq shaqaalenimo, maadaama uusan heysan heshiis shaqaale, sidoo kale uusan xiriir la sameyn karin hey´addaha dowlada ama booliska, maadaama uu arin sharci daro ah qeyb ka ahaa. Xaaladaas ayuu wargeysku warbixintiisa ku sheegay in dad badan ay ka dhigeyso kuwo nugul oo laga faa´iideyso karo. Hoos ka akhri warbixinta Dagbladet

Xigasho/kilde: Vil forby lønn i kontanter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments