Xusuuso maanta ugu danbeyn: Kumanaan kr ayaad ku heli kartaa ama ciqaab ayaad ku mudan kartaa

0
100

Waxaa maanta oo bisha April ay tahay 30, ku eg xiliga ugu danbeysa oo qofku uu wax ka badali karo warqada canshuurta sanadka(Skattemelding), si uu waaxda canshuur-celinta(Skatte-kontoret) u siiyo macluumaadka saxda ah ee dakhliga sanadkii hore soo galay, iyo canshuurta ku waajibtay inuu bixiyo.

Waaxda canshuuraha ayaa bil kahor dadka qaab digital ah ugu dirtay waraaqadaha canshuur-celinta, waxaana qofka la siiyaa fursad uu waaxda canshuuraha ugu gudbin karo macluumaadka ka maqan waraaqda koowaad ee canshuurta sanadka.

Hadii uu qofku si sax ah u buuxiyo warqada canshuur celinta, uuna ku buuxiyo macluumaadka ka dhiman waraaqda, wuxuu ugu baaqan karto kumanaan kr oo canshuur ah. Dhanka kalena wuxuu ku mudan karaa ciqaab, hadii uu ka tago inuu buuxiyo macluumaadka saxda ah, sidaasna uu ka buxiyo canshuur ka yar intii waajibka ku aheyd.

Labadan waxyaabhood ayaa sanadkan cusub:

Merete Bergeland Jebsen oo katirsan waaxda canshuuraha, ayaa wargeyska E24 u sheegtay in sanadkan ay warqada canshuurta sanadka ay ku cusubyihiin, in aysan ka muuqan canshuur-dhimistii uu qofku ku heli jiray masaafada safarka ee uu shaqada u aado(Reisefradrag), maadaama ay dadka intooda badan guryaha ku shaqeynayeen. Sidaas darteed ay muhiim tahay in dadka shaqadooda si caadi ah u aadi jiray sanadkii tagay, ay warqada canshuur-celinta iska hubiyaan.

Sidoo kale Merete ayaa sheegtay in sanadkan la qorsheeyay in dadka ay canshuurtu usoo noqotay, ay lacagta canshuur-celinta heli doonaan xili ka horeyso xiliyadii caadiga noqon jirtay. Waase hadii uu qofku warqada canshuur-sanadka kusoo xareeyo xiligii kahor inta aysan dhicin waqtiga kama dambeysta ah(Fristen) oo maanta ku eg.

Ilaa hal milyan oo qof oo Norway kunool ayaa xili hore xareeyay warqada canshuurta sanadka, waxeyna intoodii ay canshuur usoo noqotay heleen lacagahii dheeraadka ahaa ee ay bixiyeen.

Laakiin waxaa dhanka kale jira ilaa 600.000 qof oo aan wali furin warqada canshuurta sanadkan, kuwaas oo laga yaabo inay hubin la´aanta warqada ku waayaan kumanaan kr oo canshuur celin ah, ama ay ku muteystaan ciqaab, maadaama aysan soo gudbin macluumaadkii saxda ahaa.

Xigasho/kilde: Siste frist for skattemeldingen: Husk dette i dag.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments