Dadka «dagpenger» qaato oo sanadkan lacagta fasaxa heli doono.

0
114

Baarlamaanka Norway ayaa maalintii talaadada aheyd ee isbuucan meelmariyay sharci cusub oo dadka qaata lacagta «dagpenger»-ka xaq u siinayo, inay helaan lacagta fasaxa ee loo taqaan feriepenger.

Sharcigan cusub ee baarlamaanka laga meelmariyay ayaa dadka sanadkii lasoo dhaafay qaadanayay lacagta dagpenger» u ogolaanaya inay sanadkan 2021 helaan lacagta fasaxa ee ferie-penger-ka. Lacagta fasaxa ee qofku heli doono sanadkan 2021, ayaa ah 10,2 % lacagtii uu sanadkii hore qofku qaatay.

Sida ku xusan qoraalka lagu meelmariyay sharcigan ay baarlamaanka Norway isku raaceen, waxaa lacagta fasaxa xagaagan 2021 heli kara:

  1. Qofkii dagpenger qaatay mudadii u dhaxeysay April ilaa Desember sanadkii tagay ee 2020.
  2. Qofkii mudadaas(April-Desember 2020) ugu yaraan dagpenger qaadanayay sideed(8) isbuuc.

Xigasho/kilde: Feriepenger for dagpengemottakere

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments