Wasaaradda caafimaadka oo ka shaqeyneyso in baasaboor loo sameeyo dadka talaalka qaatay

0
81
Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie. Foto: Eirin Larsen, SMK

Sida uu wargeyska VG, wasaaradda caafimaadka dalkan Norway ayaa ka shaqeyneyso soo saaritaanka baasaboor(cadeyn) loo sameeyo dadka dhameystay ama qaatay talaalka feyruska Corona. Midowga EU-da iyo dalka Ingiriiska ayaa iyagana dhankooda ka iclaamiyay inay ka shaqeynayeen soo saarista cadeyn loo sameeyo dadka dhameystay talaalka Corona.

Wasaaradda caafimaadka ayaa hey´adda caafimaadka dadweynaha iyo hey´adda agaasinka caafimaadka ka codsatay inay soo gudbiyaan soo jeedin la xiriirta qaabka arintaas loo fulin lahaa, iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah ee dalalka arrintan oo kale horey u sameeyay. Wargeyska VG ayaa qoray in wasaaraddu ay heshay warbixinta ay soo diyaariyeen labadaas, hey´adood, hadana ay bilaabi doonto ka shaqeynta sidii arrintaas loo sameyn lahaa.

Qofka qaatay talaalka Corona ayaa hadaba heli karo cadeyn digital ah oo muujineyso inuu dhameystay talaalka, taas oo uu ka heli karo barta internetka ee HelseNorge.no. Balse wasaaradda caafimaadka ayaa ka fakareyso in arrintaas lagu sii sameeyo horumarin , si looga dhigo mid laga wada aqoonsan karo dalalka caalamka oo dhan, sida uu qoray VG oo soo xiganayo madax wasaaradda katirsan.

Dalalka caalamka qaarkood ayaa bilaabay inay ka doodaan suurtogalnimada in qofka dalkooda soo galaya la weydiiyo inuu qaatay talaalka Corona, si looga daayo karantiilka la galiyo dadka marka ay booqdaan ama kasoo noqdaan safaradda dibadda ah.

Xigasho/kilde: HELSEDEPARTEMENTET: JOBBER MED VAKSINEBEVIS.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments