Cilmibaaris: 12% dadka uu Corona ku dhacay, waxaa ku yaraaday xusuuusta.

0
94

Sida lagu ogaaday cilmibaaris caafimaad oo lagu sameeyay isbitaalka jaamacada Oslo(OUS), qiyaastii 12% dadkii uu ku dhacay feyruska Corona ayaa sheegay inay gaabis(hoos u dhac) uu ku yimid awoodooda dhanka xusuusta maskaxda ah.

Arne Søraas oo ah madaxa cilmibaaristan, ayaa sheegtay in daraasadan ay ku wareysteen ilaa 150.000 oo uu Corona ku dhacay, iyaga oo weydiiyay inay dareemayaan wax isbadal ah, marka ay Feyruska ka caafimaadeen kadib. Waxeyna sheegtay in qiyaastii 12% dadka la wareystay ee corona uu ku dhacay ay sheegeen inay xusuustu ku yaraatay, xitaa mudo dheer marka ay feyruska ka caafimaadeen kadib.

Cilmibaaristan oo ah mid bilow ah, ayaa waxyaabaha kale ee lagu ogaaday waxaa kamid ah in:

31% dadka uu Corona ku dhacay ay sheegeen inay isku arkeen daal aad u badan.

18% dadka uu Corona ku dhacay ayaa sheegay inay isku arkeen in dareenkooda urta iyo dhadhanka uu isbadalay.

halka 14% ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan neefta uu culeysk ku noqota.

Halka dadka qaarkiis ay sheegeen inay isku arkeen inay yaraatay awoodooda ahmiyad-siinta( Konsentrere).

Xigasho/kilde: Koronastudien: Hver tiende opplever at hukommelsen svikter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments