Norway: Hadii aad sameyso fal danaha qaranka lidi ku ah, baasaboorka Norway waa lagaa celin karaa.

0
69
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa isbuucii lasoo dhaafay ka dooday, meelna mariyay hindise sharciyeed ku saabsan in isbadal lagu sameeyo xeerka jinsiyada Norway, si qofkii sameeyo ficilo kasoo horjeedo ama dhaawici karo danaha qaranka Norway, looga celiyo dhalashada ama baasaboorka Norway. Waa hadii uu heysto ama uu heli karo dhalashada(baasaboorka) dal kale.

Sharcigan oo ay isku raaceen xubnaha baarlamaanka ayaa wasaaradda cadaalada Norway u ogolaanayo inay maxkamad la´aan ay gaari karto go´aan ah in lagaa celiyo ama lagaa kansalo dhalashada iyo baasaboorka Norway, hadii wasaaraddu u aragto inaad sameysay ama tahay qof geysan karo falal dhaawici karo amniga guud ee gudaha dalka iyo danaha diqaranka Norway. Waa hadii uu qofkaas heysto ama heli karo dhalashada dal kale oo aan Norway aheyn.

Sharciga uu baarlamaanku meelmariyay, ayaa qofka ay wasaarada cadaalada Norway go´aansato in laga celiyo baasaboorka fursad u siinayo inuu ka dacwoodo arrintaas, kiiskiisana uu geeyo maxkamad, waa hadii uu qofku doortee. Dowlada ayaana bixin doonto dhamaan qarashaadka maxkamada ee kiiska dacwada ah kaga bixi kara qofka.

Ujeedka sharcigan la meelmariyay oo markiisii hore ahaa soo jeedin ka timid wasaaradda cadaalada Norway, ayaa u muuqdo inuu yahay mid dowlada awood u siinayo inay baasaboorka Norway ka celiso dadka asal ahaan ajaaniibta ah ee iyaga oo wata jinsiyada Norway geysta falalka argagaxisnimada ah.

Xigasho/kilde: Endringer i statsborgerloven (tap av statsborgerskap av hensyn til grunnleggende nasjonale interesse.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments