FHI oo isbadal ku sameyneyso saami-qeybsiga talaalka Corona, kadib cabasho ka timid Oslo.

0
151

Hey´adda dowlada Norway u qaabilsan caafimaadka dadweynaha ayaa sheegtay inay isbadal ku sameyneyso qaabka saami-qeybsiga talaalka Corona, iyada oo la qorsheeyay in talaalka loo badiyo magaalooyinka waaweyn, gaar ahaana kuwa uu aadka ugu faafay feyruska Corona.

Arrintan ayaa timid kadib markii dood badan ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd qaabka ay dowladu go´aamisay in loo qeybiyo talaalka Corona, gaar ahaana magaalada Oslo oo noqotay xarunta feyruska Covid-19 ee Norway.

Markii hore: Tirada dadka 65 ka weyn.

Maadaama ay koobantahay tirada irbadaha talaalka Covid-19 ee soo gaaray Norway, dowlada ayaa go´aamisay in kala hormarin(horutabin) degmooyinka laga qeybin doono talaalka, iyada oo lagu qiimeynayo tirada dadka 65 ka weyn ee degmadaas kunool, marka loo fiiriyo tirada guud ee degmada kunool.

Qaab-qeybintaas ayaa sababtay in degmooyinka yar-yar iyo tuulooyinka ay noqdaan kuwa hela ee talaalka ugu badan, waxaana safka ugu gadaal maray magaalooyinka waaweyn oo ay kunool yihiin dadka badan. Magaalooyinka waaweyn ayaa ah meelaha ugu badan ee ay kunoolyihiin dadka feyruska Corona laga helay. Magaalada Oslo oo ah meesha xiligan loogu baahi-badanyahay talaalka, ayaa gashay safka meesha ugu danbeyso, arrintaas ayeyna dad badan ku tilmaameen cadaalad daro.

Hey´adda FHI ayaa hada badashay qaab-qeybintii hore, waxaana la keenay qaab-qeybin cusub oo ku saleysan tirada dadka 18 sano ka weyn ee degmada kunool. Arrintaas ayaa hada sababeyso in magaalooyinka waaweyn ay helaan talaal dheeraad ah, sida ay FHI ku xustay bogeeda internetka.

Xigasho/kilde: Endringer i vaksinestrategien.

Halkan ka daawo gabar kamid ah dadkii ugu horeeyay ee qaatay talaalka Corona

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments