Sadex qof oo qaatay talaalka AstraZeneca ee Corona oo isbitaalka la dhigay.

0
155
Foto: Elementor

Hey´adda qaabilsan daawooyinka ayaa maanta sheegtay in la diiwaangaliyay ilaa sadex qof oo dhalinyaro ah oo isbitaalka la dhigay, kadib markii ay isku arkeen dhiig-xinjirow maalmo kadib markii ay qaateen talaalka feyruska Corona, nooca AstraZeneca.

Sadexda qof ee isbitaalka la dhigay ayaa ah howlwadeeno caafimaad ka ahaa dhowl meelood oo kala duwan oo Norway ah, balse waxey wadaagaan inay qaateen talaalka Corona( AstraZeneca), ayna yihiin dad da´ahaan dhalinyaro ah.

Hey´adda ayaa sheegtay in ilaa hada uusan cadeyn xiriirka ka dhaxeeyo qaadashada talaalka Corona iyo dhiig-xinjirowga ay sadexdan qof isku arkeen. Iyaga oo sheegay inay baarayaan arrintaas, ayna xaqiijin doonaan. Waxeyna sheegeen in arintan ay u arkaan halis, hadii la cadeeyo xiriir ka dhaxeeyo qaadashada talaalka iyo dhiig-xinjirowga ay isku arkeen dadkan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso iyada oo shaley lasoo sheegay in haweenay 30-meeyo jir ah oo aheyd shaqaale caafimaad, ay geeriyootay maalmo uun kadib markii qaadatay talaalka corona, nooca AstraZeneca. Haweeneyda geeriyootay ayaan horey u qabin wax xanuun ah oo weyn. Halkan kasii akhri.

Dowlada Norway ayaa guud ahaanba joojisay adeegsiga talaalka Corona, nooca AstraZeneca. Waxaana go´aankaas qaatay ilaa dhowr kale oo dal oo Yurub ah.

Xigasho/kilde: Tre helsearbeidere innlagt med blodpropp. Vil granske mulig sammenheng med koronavaksine..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments