Norway: Haweenay 30-meeyo jir ah oo geeriyootay talaalka Corona kadib: Dowlada oo baareyso.

0
250
Irbada talaalka: Nooca Denmark laga istaajiyay Foto: Alessandra Tarantino / AP

Haweenay 30-meeyo jir ah oo aheyd howl-wadeen caafimaad ayaa ku geeriyootay degmada Tynset ee gobolka Innlandet ee dalkan Norway, maalmo uun kadib marka ay qaadatay talaalka feyruska Corona, noociisa AstraZeneca.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa shaley joojisay adeega nooca talaalka corona ee AstraZeneca, kadib markii dalka Denmark laga soo sheegay geeri la xiriirta talaalka iyo dad kale oo isku arkay dhiig-xinjirow. Halkan kasii akhri

Wali ma cada xiriirka ka dhaxeeyo geerida haweeneydan iyo qaadashada talaalka feyruska Corona ee AstraZeneca, balse hey´adda daawada dalkan Norway ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto in qaadashada talaalka Corona uu wax saameyn ama xiriir ah la leeyahay dhimashada haweeneydan 30-meeyo jirka ah.

Dhakhtarka degmada Tynset oo ah meesha ay ku dhimatay haweeneydan ayaa sheegay inuusan jirin wax xanuun ama jiro caafimaad ah oo ay horey u qabtay haweeneydan geeriyootay. Balse uu kusoo booday xanuun deg-deg ah, maalmo kadib marka ay qaadatay talaalka Corona.

Guud ahaan waxaa nooca AstraZeneca qaatay dad gaaraya 5 milyan oo qof guud ahaan talalka Yurub oo dhan. 30 qof oo shantaas milyan kamid ah, ayaa isku arkay dhiig-xinjirow kadib marka ay qaateen daawada talaalkaas.

Xigasho/kilde: Legemiddelverket undersøker dødsfall etter AstraZeneca-vaksine.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments