Bisado(Yaanyuur) ayuu dabaq ka tuuray: Xabsi ayaa lagu xukumay.

0
236

Maxkamada magaalada bodø ayaa xabsi 45 maalmood ah ku xukuntay nin 30-meeyo jir ah oo lagu helay inuu barandada guri kuyaal dabaqa shanaad kasoo tuuray labo yaanyuur(Bisadood) oo yar-yar ah. Falkan ayaa dhacay bishii Desember ee sanadkii 2019.

Labada bisadood ee dabaqa laga soo tuuray ayaa ahaa afar isbuuc jiro, waxeyna labaduba u geeriyoodeen dhaawacyadii kasoo gaaray dabaqa laga soo tuuray. Ninkan lagu eedeeyay falkan ayaa qirtay danbiga.

Xeer ilaalinta ayaa markii hore dalbatay in ninkan lagu xukumo 75 maalmood oo xabsi ah, balse garsoorka maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay 45 maalmood, maadaama uu ninkan qirtay danbiga lagu soo oogay, sidoo kalena ay waqti dheer qaadatay kiiska maxkamada.

Xigasho/kilde: Kattekasting fra femte etasje ga 45 dagers fengsel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments