R.W Solberg oo reer Oslo raali-galin siisay, sababtan darteed.

0
88
Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg Foto: Arvid Samland/Statsministerens kontor

Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada dalkan Norway hadalo adag isku dhaafsanayay duqa magaalada Molde ee katirsan xisbiga Høyre iyo gudoomiyaha gudiga maamulka dowlada Hoose ee magaalada Oslo. Waxaana warbaahinta la isku marinayay hadalo adag oo mararka qaarkood u muuqday inay ahaayeen kuwa siyaasadeysan oo feyruska Corona la isaga faa´iideysanayo.

Waxaa dooda bilaabay duqa magaalada Molde Torgeir Dahl oo eedeyn kulul usoo jeediyay dadka magaalada Oslo kunool iyo maamulka magaalada, isaga oo ku eedeeyay inay ku guuldareysteen xakameynta faafitaan feyruska Corona, taas oo cawaaqibta ka dhalatay ay dhibaato ku tahay dadka kunool magaalooyinka Oslo ka baxsan.

Reymond Johansen oo ah gudoomiyaha Oslo oo arrintaas ka jawaabayo ayaa isna dhankiisa eedeyn kulul u jeediyay duqa Oslo oo uu ku eedeeyay inuu yahay qof war-moog ah(Khabaar-moog) aan waxbo ka ogeyn reer Oslo iyo xaaladooda, rabana inuu kaar siyaasadeed ka dhigto feyruska galaaftay nolosha boqolaal qof oo Norway kunool.

Dooda labadan siyaasi oo ka kala socda xisbiyada Ap iyo Høyre ee ah labada xisbi ee kala hogaamiyo garabyada midigta iyo bidixda siyaasada Norway, ayaa markii danbe isku badashay dood u dhaxeyso tuulooyinka yar-yar iyo magaalooyinka waaweyn ee Norway. Iyada oo dadka tuulooyinka kunool ay aaminsanyihiin in Oslo oo noqotay xudunta feyruska Corona ee Norway, ay sabab u tahay xayiraadaha adag ee dowladu ay soo rogto, arintaasna ay u dareemayaan cadaalad daro.

Xafiiska Solberg oo qeyb ka ahaa dooda:

Waxaa gadaal laga ogaaday in xafiiska reysulwasaaraha Norway Erna Solberg oo ay isku xisbi yihiin duqa magaalada Molde uu muranka qeyb lixaad leh ku lahaa. Waxaana soo baxday in Peder W. Engseth oo wasiiro-dowle ka ah xafiiska reysulwasaare Solberg, kana tirsan xisbiga Høyre oo dhowr mar oo kala duwan telefoon kula hadlay duqa Molde, isaga oo siiyay xogta xaalada Oslo ee faafitaanka Corona. Sidoo kalena uu ka caawiyay qaabkii uu eedeyntaas warbaahinta usii marsiin lahaa.

Reysulwasaare Solberg oo shaley qabatay shir jaraa´id ayaa raalig-galin buuxdo siisay dadweynaha kunool Oslo iyo maamulka magaalada. Waxeyna sheegtay inay telefoon kula xiriirtay gudoomiyaha Oslo, Reymond Johansen iyada oo siisay raali-galin buuxdo.

Erna Solberg ayaa sheegtay inay ka xuntahay in xafiiskeedu uu lug ku yeesho arrintan, iyada oo sheegtay in wasiiru dowladaha katirsan xafiiskeeda u sameeyay khalad weyn oo ay tahay inuusan mar kale ku kicin. Iyada oo sheegtay inay ku kalsoontahay shaqada ay wadaan maamulka Oslo ee ku aadan xakameynta faafitaanka feyruska Corona.

Xigasho/kilde: Erna Solberg – Jeg beklager

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments