FHI: Xiligan ayaa xuduudaha Norway la furi karaa.

0
82

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI ayaa qiimeyn ay sameysay ku sheegtay in xiliga ugu horeeyo ee la furi karo xuduudaha xiran ee dalkan Norway, ay tahay dhamaadka bisha Mai(bisha shanaad) ee sanadkan. Xiligaas oo la rajeynayo in irbada koowaad ee talaalka Korona ay qaateen dhamaan dadka ay da´doodu ka weyntahay 45 sano ee wadanka kunool.

Waxaana sidaas warbaahinta u sheegay Geir Bukholm oo ah agaasimaha qeybta ka hortaga faafitaanka xanuunada ee hey´adda FHI. Wuxuuna Geir raaciyay in caqabada ugu weyn ee xiligan taagan ay tahay inaysan Norway helin tiro ku filan oo daawada talaalka Coronavirus ah, si loo talaalo dadka da´doodu ay ka weyntahay 45 sano.

Norway ayaa laga soo bilaabo bishii January xiratay xuduudaha dalkeeda, waxaana dhanka kale dadka Norwiijiga ah lagala taliyay inay u baxaan safar dibadda ah oo laga maarmi karo.

Xigasho/kilde: FHI: Tror vi kan begynne å reise mot slutten av mai.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments