Maanta: Norway oo 33 qoys oo qoxooti ah kasoo qaadeyso Giriiga.

0
78
Xerada qoxootiga Moria ee dalka Giriiga

Maanta oo arbaco ah, waxaa lagu wadaa in Norway ay kasoo dagaan 33 qoys oo Siiriyaan ah oo dowlada Norway ay kasoo qaadaneyso dalka Giriiga, si dib u dajin loogu sameeyo. 33-dan qoys ayaa kamid ah isku dar 50 qoys oo ay Norway horey u balanqaaday inay kasoo qaadeyso xerada qoxootiga ee Moria ee dalka Giriiga.

Norway ayaa horey u sheegtay in sababta ay qoxootigan Siiriyaanka ah uga soo qaadeyso Giriiga, ay tahay inay yihiin qoysas nugul oo caruur heysta, kuwaas oo ay u badantahay inay Norway ka helaan magangalyo. Waxaana lagu wadaa in kiisaska codsiga magangalyada qoysaskan go´aan looga gaaro mudo sadex isbuuc gudahood.

Wargeyska VG ayaa qoray in 17-ka qoys ee dhiman Norway loo soo qaadi doono isbuucyada soo socdo, dib u dhaca ku yimidna ay sabab u tahay xanuun laga helay xubnaha qoysaskaas qaarkood.

50-kan qoys ayaa kamid ah isku dar 3.000 qof oo qoxooti ah oo ay Norway qorsheysay in sanadkan ay kasoo qaadato xeryaha qoxootiga caalamka, ayna u sameyso dib u dajin.

Xigasho/kilde: Nå kommer Moria-flyktningene til Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments