Oslo: Booliska oo xirayo xafiisyada baasaboorada iyo kaararka sharciyada ajaaniibta.

0
164
Foto: Illustrasjonsfoto: UDI

Laanta booliska magaalada Oslo ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in laga bilaabo 17-ka bishan Maarso la xiri doono xafiisyada bixinta baasaboorada iyo kaararka aqoonsiga sababo la xiriira kor u kaca feyruska corona ee magaalada Oslo. Waxaa sidoo kale la xiri doono xafiisyada qaabilsan dadka ajaaniibta ah ee laga bixiyo kaararka sharciga kumeel gaarka ah ama degenaanshaha.

Xafiisyadan ayay boolisku sheegeen inay xirnaan dooonaan ilaa laga gaaro 9-ka bisha April ee sanadkan.

Dhamaan dadkii balamaha lahaa mudadaas ay xafiisyadu xiranyihiin ayaa boolisku sheegeen in la baajiyay balamahoodii, ayna heli doonaan fariin ku saabsan arrintaas oo ay la socoto faah-faahin dheeri ah. Qofkii sabab lagama maarmaan ah darteed, aan u baajin jiray balanta, ayay boolisku sheegeen in loo sameyn doono tixgalin gooni ah, hadii uu soo sameeyo xiriir dhanka telefoonka ah, uuna sheegto arrintiisa.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in codsiyada sharciyada loo soo gudbin qaab digital ah. Iyada oo dadka ay arrintaas khuseyso ay dhawaan fariin ka heli doonaan booliska, loogu sharaxayo qaabka ay codsigooda qaab digital ah usoo gudbin karaan. Waxaana faah-faahinta booliska ee qoraalka hoose raacsan telefoon uu qofku la xiriiri karo, hadii uu fahmi waayo ama uu caawin uga baahdo xareynta codsiyada(Hoos-ka akhri).

Xigasho/kilde: Oslo stenger passkontorene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments