Hey´adda canshuuraha oo bilaabay dirista warqada canshuur-celinta.

0
153

Hey´adda canshuuraha ee Skatte-etaten ayaa maanta bilowday dirista warqada canshuur-celinta sanadkii(Skattemeldingen), taas oo uu qofku ku ogaan karo canshuurta uu sanadkii hore bixiyay iyo in canshuur dheeri ah lagu leeyahay ama inuu heli doono canshuur celin.

Hey´adda canshuuraha ayaa sheegtay in warqada canshuur celintu ay sanadkan wax yar ka duwanaan doonto kuwii sanadihii hore, ayna noqon doonto mid la fadudeeyay si dadku badankii ay si fudud ugu fahmaan. Waxaa sidoo kale warqada lagu sameeyay isbadal la xiriira xaalada feyruska Corona, sida ay sheegtay hey´adda canshuuruhu.

Tusaale ahaan qofkii canshuur dhaaf ku heli jiray safarka dheer ee uu u galo goobtiisa shaqo, ayaan sanadkan si toos ah loogu biixin doonin canshuur-dhaaftaas. hadii uusan isagu si iskiis ah usoo buuxin masaafada uu shaqada u safray, si uu u helo canshuur dhimis.

Isla maanta oo oo bishu ay tahay 16-ka Maarso, waxaa warqadaas ay digitaal ahaan ugu soo dhacday kumanaan qof, halka dadka intiisa kalena ay usoo dhici doonto mudada u dhaxeyso 16-ka maarso ilaa 7-da bisha April ee sanadkab.

qofka hela warqada canshuur celinta ayaa marka ay usoo dhacdo warqadu, wuxuu e-mailkiisa ama telefoonkiisa gacanta ku heli doonaa fariin ah inay usoo dhacday warqadaas, ayna muhiim tahay inuu buuxiyo wixii ka dhiman ama ka jaro wixii dheeraad ah, isla markaana uu kusoo xareeyo mudada loo qabtay ee kama dambeysta ah.

30-ka bisha April ayaa ah taariikhda kama dambeysta ah ee qofku uu soo xareyn karo warqada canshuur celinta ah.

Xigasho/kilde: Skattemeldingen er på vei.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments