Norway oo dalalka Nordica ugu nolol-liidato: Finland oo kow kujirto.

0
144

Dalka Finland ayaa ah dalka ugu nolol fiican Yurub sida lagu sheegeya warbixinta dalalka ugu nolol fiican aduunka ee ay soo saarto hey´adda qaramada midoobay u qaabilsan qiimeynta shucuubta iyo dadyowga caalamka kunool( World Happiness Report 2021). Waxaana Finland kusoo xigo oo booska labaad kujiro dalka Iceland, halka Denmark ay kujirto booska Sadexaad.

Dalka Sweden ee dariska la ah Norway ayaa warbixinta hey´adda U.N-ka lagu sheegay inuu kujiro booska lixaad ee dalalka ugu nolol fiican aduunka. Halka Norway la galiyay booska 8-aad.

Norway ayaa sanad gudihii dib u dhacday sadex boos qiimeynta dalalka ugu nolol fiican aduunka, maadaama ay sanadkii 2020 kujirtay booska shanaad. Norwayna ayaa noqoneyso wadanka ugu nolol-liito dalalka la isku yiraahdo Nordica.

Waxyaabaha lagu qiimeeyo qiimeynta dalalka ugu nolol fiican aduunka, waxaa kamid ah xeerka adeegyada bulshada ee dowliga, xeerka waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo nidaamka dimoqraadiga ah ee dalalkaas kajira.

Xigasho/kilde: Norge kåret til minst lykkelig land i Norden.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments