Isendhome: Xawaaladii ugu horeysay ee Online-ah ee Norway laga hirgaliyo: Taaj ayaan wadashaqeyn leenahay.

0
447

Xawaalada Online-ka ee Isendhome.com(Riix), waa xawaaladii ugu horeysay ee online ah oo saldhigeeda uu yahay ama laga hirgaliyo gudaha dalkan Norway. Waxeyna xawaaladu wadashaqeyn toos ah lala leedahay xawaalada weyn ee Taaj. Hoos ka daawo macluumaadka(muuqaalka hoose)

IsendHome waxey heysaa adeeg xawaaladeed oo qofka u sahlayo inuu lacagtiisa ka dirsado isaga oo jooga guriga ama xafiiskiisa shaqada, wuxuuna lacagta ku diri karaa qaab mobile ah oo lagu dirayo adeegyada EVC, Sahal, Zaad, Mbesa(Kenya) ama bangiga Salaam Bank. Sidoo kale wuxuu qofku dooran karaa inuu lacagtiisa ku diro qaab qaadasho ah( pick up), iyada oo lacagta la dhigayo xafiisyada xawaalada Taaj ee caalamka kuyaalo.

Qofka macaamiika, wuxuu lacagtiisa ka diri karaa Isendhome, isaga oo adeegsanayo adeega BANKID oo ah adeega xubinta iyo xaqiijinta qofka lacagta dirayo, si looga taxadaro in magaca qofka si qaldan loo adeegsado.

Wixii su´aal ah ee aad qabto kala xiriir telefoonka xawaalada: +4751110939 ama booqo xafiiska xawaalada oo kuyaal Grønland T-bane Stasjon.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments