Booliska Oslo oo cabasho lagu hirqiyay, kadib markii ay ereyga soomaali si qaldan u adeegsadeen

0
127

Laanta booliska Oslo waxaa sanadkii hore ee 2020 soo gaaray isku dar 217 cabasho oo ka timid dadweynaha magaalada kunool, kuna saabsan qalad ama tabasho booliska iyo shaqadooda laga tabanayo. 20 kamid ah cabashooyinkaas, waxey ku saabsanaayeen qoraal ay boolisku ku sheegeen inay raadinayaan qof soomaali ah.

Booliska Oslo ayaa sanadkii hore ee 2020, bishii April bartooda Twitterka kusoo qoray qoraal ay ku sheegeen inay raadinayaan qof asal ahaan soomaali ah, kadib dhacdo fal danbiyeed ah oo gudaha magaalada Oslo ku dhacday.

Sidee ku ogaateen inuu soomaali yahay?:

Waxyar kadib marka ay boolisku bartooda twitterka kusoo qoreen dhacdadaas, waxaa soo gaaray tobanaan cabasho ah oo ka timid dadweyne ka carooday qoraalka ay boolisku kusoo qoreen bartooda twitterka. Kuwaas oo booliska lagu weydiinayo sida ay ku xaqiijiyeen in qofka ay raadinayaan ee danbiga geystay uu soomaali yahay, maadaama aysan wali qofkaas gacanta ku dhigin, xaqiijina jinsiyadiisa.

Qof kamid ah dadka cabashada gudbiyay ayaa warqad uu diray ku sheegay in dadka kasoo jeedo Bariga Africa ay isku egyihiin muuqaal ahaan, aysana jirin wax qofka soomaaliga ah ka soocayo qowmiyadaha ee Bariga Africa kasoo jeedo. Isaga oo raaciyay in qoraalka ay boolisku qoreen uu ahaa mid abuurayo faquuq, cunsurinimo iyo bar-tilmaameed ka dhan ah soomaalida.

Booliska ayaa markii danbe Twitterka ka saaray qoraalkaas, waxeyna sheegeen inay qaateen, waxna ka barteen canaanta loo soo jeediyay.

9% cabashooyinka sanadkii hore soo gaaray booliska, waxey ku saabsanaayeen qoraalkaas ay boolisku qoreen ee ku saabsanaa inay raadinayaan qof soomaali ah.

Booliska Norway ayaa horey marar badan u sameeyay talaabooyinkan oo kale, balse markii dhacdadan ay dhacday kadib, waxaan ilaa hada lasoo warin inay bartooda kusoo qoreen qoraal kii ay qoreen oo kale lamid ah.

Xigasho/kilde: Tvitret at de lette etter mann med «somalisk opprinnelse». Resulterte i klagestorm mot politiet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments