Kjel: Wiilkeygii ayay hooyadii ii diiday inaan arko, hadana waxaa la igu qasbay bixinta biilkiisa.

0
136
Foto: Skjerm-dump: Nettavisen

Kjel waa aabaha wiil 8 sano jir ah oo hooyadii ay kala tageen, wuxuuna dhowrkii sano ee tagay dagaal adag ugu jiray inuu la kulmo, xiriir joogto ah oo aabe-nimana la yeesho wiilkiisa. Wuxuuna sheegay in wiilka hooyadii ay ka afduubatay Norway(waa siduu u dhigee), ayna geysay dal kale, una diiday inuu arko ama uu la noolaado. Saas oo ay tahay hey´adda NAV ayaa aabahan bil walba wiilkaas loo diiday inuu arko uga qaada lacagta aabe-nimada.

Sheekadiisa oo kooban:

Wiilka 8-jirka ah ee uu aabahan dhalay ayaa markii hore ku dhashay Norway, kadib waxey hooyadiis oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Lituenia ay ula guurtay dalka Ingiriiska. Aabahan ayaa wiilkiisii laga kaxeystay uga daba tagay halkaas, isaga oo aqbalay inuu UK u guuro, si uu uga ag dhawaado wiilkiisa, uuna la yeesho xiriir joogto ah. Mar kale ayay hooyadiis hadana wiilkii ka kaxeysay UK, waxeyna geysay dalka Lituen oo ay iyadu asal ahaan kasoo jeedo. Aabahan ayaan ka harin ee uga daba tagay dalka lituenia, wuxuuna hooyada la fuulay maxkamad, isaga oo ku eedeeyay inay hooyadu ka baxday heshiiskii xanaanada ilmaha ee ay UK ku galeen labadooda ka waalid ahaan, wuxuuna maxkamada ka codsaday in wiilkiisa loogu celiyo UK, si waafaqsan heshiiskii hore.

Maxkamada Lituen ayaa qirtay in hooyadu ay si qalad ah wiilka uga soo kaxeysay UK, ayna jabisay heshiiskii ay wada galeen labada waalid, balse maxkamadu ma aysan adeegsan awood ay wiilka ugu celineyso dalka UK.

Wiil aragtidiisa la ii diiday, ayaa biilkiisa la igu qasbay:

Kjell oo wareysi siiyay wargeyska Nettavisen ayaa sheegay in hada uusan mudo la kulmin wiilkiisa oo 8-sano buuxiyay, uusana la laheyn wax xiriir ah. Saas oo taheyna ay hey´adda NAV ay ka goyso lacagta aabe-nimada ee biilka ah(Barnebidrag), lacagtaas oo uusan awoodin inuu bixiyo, balse ay dowladu deyn ahaan ugu qoroneyso.

Aabahan ayaa sidoo kale cadaalad daro ka dabanaya dowlada Norway oo uu sheegay ineysan gacan ka siin sidii wiilkiisa oo ugu soo celin lahaa dalka uu u dhashay ee Norway ama meel kale oo uu xiriir kala sameeyo.

Kjel ayaa wareysigiisa ku sheegay in marka laga hadlayo arrimaha sinaanta xuquuqaha ka dhasha furiinka, ay dumarku mar walba yeeshaan gacanta sareyso, ayna mararka qaarkood ku adeegsadaan si aan fiicneyn oo ciqaab u ah aabaha iyo ilmaha. Wuxuuna sheegay in hey´addaha dowladu ay badanaaba arrimahaas oo kale u xagliyaan dhinaca dumarka, ayna ilaawaan xuquuqda aabe-nimo ee ninka.

Aabahan ayaa aaminsan in ilmo walbe uu xaq u leeyahay inuu xiriir joogto ah oo shuruud la´aan uu la yeesho labadiisa waalid, wax kasta oo iyaga dhex maro. Ayna muhiim tahay in dowladu ay arrintaas fahanto, intii dhanka dumarka ama hooyada loo xaglin lahaa. Wuxuuna raaciyay in xuquuqda sinaanta ay Norway, ay tahay mid xuquuqda dumarku uun xooga saarto, aana qiimeyn xuquuqda ragga.

Kjell ayaa kamid ah qiyaastii 45.000 aabeyaal Norwiiji ah oo loo ilmahooda inay ilmahooda u arkaan si joogto ah.

Xigasho/kilde: Kjell har ødelagt livet i forsøket på å få være pappa:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments