lørdag, april 27, 2024

Gurigeedii ayay dab qabadsiisay, si ay lacagta ceymiska u hesho: Xabsi ayaa lagu xukumay.

Maxkamada magaalada Bergen ayaa xabsi hal sano ah ku xukuntay haweenay 50-meeyo jir ah oo lagu helay danbi ah inay gurigeedii dab qabadsiisay, ayna gubtay, si ay shirkada ceymiska ee guriga ceymiska galisay uga hesho lacag magdhow ah. Maxkamada ayaa dhanka kalena danbi ku weyday nin saaxiib la ah haweeneydan oo markii hore lagu tuhunsanaa inuu falkan danbiga ah qeyb ka qaatay.

Bartamaha sanadkii 2019 ayay boolisku ka war heleen dab ka kacay gurigaas, waxeyna u tageen guriga oo bas-beelay(wada gubtay). Nasiib wanaag wax khasaare nafeed ah kama dhicin guriga, waxeyna boolisku bilaabeen baaritaanka sababta dabka kicisay.

Gudaha guriga gubtay waxey boolisku ka heleen dhowr waxyaabood oo muujinayay in dabku uu ahaa mid si ulakac ah gudaha guriga looga shiday, waxaana sidoo kale shakiga booliska xoojiyay in dadka guriga ku noolaa ay sii rarteen alaabihii ugu muhiimsanaa ee guriga yaalay.

Baaritaanka ayay hadana boolisku ku ogaadeen in haweeneydu ay xubno qoyskeeda katirsan kala hadashay inay ku fakareyso inay gurigeeda gubto, si ay dib ugu hesho lacagta magdhowka ah ee shirkadu ceymisku ay bixiso.

Shirkada ceymiska ayaa marka ay ogaatay cadeymaha booliska, diiday inay haweeneydaas diido lacag magdhow ah. Waxaa intaas u dheer in maxkamadu ay hada ku xukuntay hal sano oo xabsi ah. Sidoo kalena ay bixiso 1,3 milyan kr oo acag magdhow ah ay siiso shirkada ceymiska ee isku deyday inay khiyaanto.

Xigasho/kilde: Tente på eget hus for å få forsikringspenger – nå er hun dømt.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x