tirsdag, april 23, 2024

Dowlada oo baaritaanka safarka ee Corona ka dhigtay 24-saac: Markii hore 72 saac.

Wasaarada cadaalada dalkan Norway ayaa wixii ka bilowdo habeenka ay soo galeyso kowda bisha April(1-4-2021) soo rogi doonto sharci cusub oo dhamaan dadka raba inay Norway soo galaan, waajib uga dhigayo inay keenaan cadeynta jawaabta baaritaanka Corona oo la qaadat 24-kii saac ee ugu danbeeyay. Waxaa intaas dheer in qofka hadana laga qaadayo baaritaanka Corona ee deg-dega ah, uuna jawaabta sugi doono 30-daqiiqo kahor inta aan loo ogolaan inuu garoonka ka baxo.

Dowlada ayaa sheegtay in qofkii garoonka ka baxa isaga oo aan marin tijaabada baaritaanka Corona lagu ganaaxi doono lacag aad u badan, gaarina karta 20.000 kr.

Shardigan ayaa badalayaa kii hore ee ahaa in qofka raba inuu Norway soo galo uu wato jawaabta baaritaanka Corona oo la qaaday 72-kii saac ee ugu danbeeyay.

Ajaaniibta xuduudka ayaa laga celin karaa:

Dowlada ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in dadka Norway degan ama Norwiijiga ah, ee jabiya xeerka cusub ee 24-ka saac aan laga celin karin xuduuda Norway, uuna la kulmi doono ganaax. Balse qofkii ajnabi ah ee aan wadan cadeynta baaritaanka Corona ee 24-kii saac ee ugu danbeeyay, ayaa laga celin doonaa xuduuda Norway, sida ay sheegtay wasiiradda cadaalada.

Dowlada ayaa horey u sheegtay in qofkii Norway uga baxa fasax ama booqasho aan daruuri(muhiim) aheyn la dajin doono 7 maalmood la dajin doono hotellka karantiilka, oo uu isagu lacagtiisa iska bixinayo.

Xigasho/kilde: Strammer til innreisereglene fra 1. april – varsler «betydelige» bøter.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x