Dhalmo yaraan ka jirto Norway: Hoos ugu dhicii ugu weynaa abid.

0
206
Foto: GT

Sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay wakaalada tirokoobka ee SSB, sanadkii lasoo dhaafay ee 2020 waxaa Norway ku dhashay 53 000 ilmood, tiradaas oo 1500 ilmood kayar tii sanadkii kasii horeysay ee 2019. Hadii tirada ilmaha dhashay loo qeybiyo tirada dumarka dhalmo-gaarka ah ee Norway kunool, waxaa calaa qofkii dumar ahba kusoo aadeyso 1,48 ilmood, taas oo ah mid aad u hooseyso.

SSB ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2020 ay ilmihii ugu yaraa ku dhashay abid, arrintaas oo xoojineyso hoos u dhici ku socday tirada ilmaha cusub ee sanadkii dhasha, taas oo hoos u dhac uu ku socday tan iyo sanadkii 2009.

Oslo ayaa ah meesha ay ku dhasheen ilmaha ugu yar sanadkii 2020, marka loo fiiriyo tirada gobolka kunool, waxaana ay ilmaha ugu badan ku dhasheen gobolka Rogaland.

Isla warbixinta SSB waxaa lagu sheegay in dhalma-yaraanta ugu badan ay soo wajahday dumarka ay da´doodu u dhaxeyso 20 ilaa sano, kuwaas oo kusoo badanayaan dumarka doorta inay ilmaha dhalaan xili danbe oo da´da ah.

Xigasho/kilde: Rekordlav fruktbarhet – igjen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments