UDI: Dadkan ayaa sharciga deganaanshaha 5 sano sugi doono.

0
322
Foto: Illustrasjonsfoto: UDI

Baarlamaanka dalka Norway ayaa sanadii hore meelmariyay sharci cusub oo dhigayo in xiliga sugitaanka sharciga degenaanshaha Norway laga dhigo shan sano, halka uu xiligii hore ka ahaan jiray 3 sano. Arrintan ayaa timid kadib markii xisbiga Frp uu meelmarinta qodobkaas shardi uga dhigay dowlada, si ay u taageeraan miisaaniyada sanadkan 2020.

Hey´adda qoxootiga ee UDI-da ayaa barteeda internetka kusoo qortay in dadka qaarkiis ay khuseyso shardigaas cusub ee qofku uu degenaanshaha sugayo shan sano, halka dadka qaarkiisna ay wali sadex sano sugi doonaan.

Waxaa xusid mudan in xeerkan cusub la dhaqan-galiyay kowda bishii Desember ee sanadkii 2020, uuna dhaqangalkiisu ka bilaaban doono wixii ka danbeeyo kowda Desember ee sanadka 2020.

UDI-da ayaa bogeeda kusoo daabacday in sugitaanka shanta sano ay khuseyso guruubyada soo socdo:

  1. Dadka heysta sharciyada kumeel gaarka ah ee qoxootiga(magangalyo-baassaboor cagaar).
  2. Dadka heysta sharciyada bini-aadantinimada ama sharciga lagu siiyay arrimo bini-aadantinimo awgood(Baasaboor buluug ama basaabor soomaali).
  3. Hadii aad tahay qof qoxooti ah oo ay Norway xeryaha qoxootiga kasoo qaadatay, dib u dajina u sameysay.
  4. Iyo qof Norway lagu keenay qoys ahaan, uuna u dacwooday(Norway keenay) qof sadexda guruub ee hore midkood kamid ah.

Qofka sharciga degenaanshaha sugi doono sadex sano, wuxuu khuseeyaa:

  1. Qofka xaqa u lahaa sharciga degenaanshaha(Sadex sano wadanka degenaa) wixii ka horeeyay bishii kowda bishii Desember ee sanadkii 2020, isla markaana codsiga degenaanshaha gudbiyay ugu danbeyn kowda bishii Febraayo ee sanadka 2021.
  2. Qofka Norway qoys ahaan lagu keenay, uuna u dacwooday qof heysta sharciga degenaanshaha Norway(kahor inta qofkaas uusan Norway soo galin).
  3. Qof Norway qoys ahaan lagu keenay, uuna u dacwooday qof heysta dhalashada ama jinsiyada Norway.

Halkan kasii akhri macluumaadkan oo faah-faahsan(Barta UDI-da).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments